Madaxweyne Shariif oo xalay kulan la qaatay wafdi ka socday Dowlada Maraykanka oo ku sugnaa Magaalada Addis-Ababa

Posted on Jul 7 2009 - 9:37am by News Desk
Tweet
Pin It

QATAR-ARAB-LATAM-SUMMITBartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Dowlada Fd Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu horkacayay oo shalay gaaray dalkaasi Eihopia ayaa waxa uu halkaasi xalay kulmo saacada qaatay kula yeeshay wafuud maraykan ah oo ku sugnaa dalka Itoobiya kuwaasi oo ay in mudda ah ka wada hadlayeen xaalada dalka soomaaliya.

Madaxweyanaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay muddo saacada ah la fadhiyeen kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Dibadda wadanka Maraykanka Johny Carson iyadoo ay ka wada hadleen arimo dhowr ah oo ku aadan xaalada dagaalada ka socda dalka soomaaliya iyo kaalmada dowlkada Fd Somalia u dirtay besha caalamka.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif uu ka dalbaday Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Dibadda Maraykanka in uu ka laabto cadaadiskii dowlada Itoobiya ay ku saarayeen in aanay faragalin dalka soomaaliya isagoo madaxweynaha u sheegay masuulkaasi Maraykanka ah in aanay ka maarmaynin taageerada Ciidamada Itoobiya.

Madaxweyne Shariif ayaa inta aanu la kulmin Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Dibadda Maraykanka Ee Arimaha Afrika waxaa la sheegay in uu xiriir xagga Telphonka ah uu la sameeyay Ra’iisul wasaaraha Ethopia Miless Zenawi oo ay wada balan sanaayeen balse uu kulankaasi dib u dhacay maadaama dalkaasi uu ku sugnaa Johny Carson oo dhawaan sheegay in Itoobiya ay uga digayaan galitaanka soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in kulankii uu la yeeshay kaaliyaha xoghayaha arimaha Dibada Maraykanka ee afrika uu ku dhamaaday natiija la’aan isla mar’ahaantaana uu wakiilka maraykanka uu ku adkeystay baaqii dhawaan uu jeediyay kaasi oo uu Itoobiya uga digayay in aanay soomaaliya faragalin ku samaynin isla mar’ahaantaana u bnalan qaaday in cadaadis uu ku saarayo arintaasi .

Illaa haatan lama oga waxa ka soo bixi doona kulan maanta ay ku balan sanyihiin Madaxweyne shariif iyo Ra’iisul wasaaraha Ethopia Meliss Zenawi kaasi oo la filayo in ay uga wada hadlaan xaalada dagaalada dowlada Soomaaliuya ay kula jirto dhanka xoogaga Mucaaradka kuwaasi oo ilaa haatan ka socda caasimada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.