Calendar

Madaxweyne Shariif oo qiray in uu diiday qaar ka mida qodobadii hishiiska Puntland iyo ra’iisul Wasaare Sharma’arke.

madaxweyneBartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya oo maanta saxaafada Muqdishi kula hadlay ayaa qiray in uu diiday qaar ka mida qodobada hishiiska Puntland iyo ra’iisul Wasaaraha ay galeen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Kulanka uu la yeeshay Madaxweyne Faroole uu ku bilowday wanaag balse xiligii danbe uu dhankiisa diiday qaar ka mida qodobada uu watay Madaxweynaha Puntland.

“Kulanka aan la yeeshay Madaxweynaha Puntland wanaag badan ayuu ku bilowday laakiin markii aan tagnay Safaarada oo hishiiska uu dhammaad yahay ayuu la yimid qodobo aan la qaadan Karin Shirkana fashil uu ku dhammaday….Anaga ma diidanin hormar la gaaro laakiin wax aan la qadan Karin ayuu la yimid..”ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay Ahlu-Sunnah iyo Dowlada isagoo sheegay in Magaca Jabhad loogu yeero Koox kasta oo hubaysan oo aan Dowlad ahayn.

Isagoo ku dooday in Dowlada ay xiligan waddo qorshe sidii Dowlada loogu soo biirin lahaa Culimada Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca oo dhawaan carro ka muujiyay hadal uu Madaxweynaha jeediyay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: