Madaxweyne Shariif oo maanta ku laabtay Muqdisho.
Bartamaha (Muqdisho):- Madaxweynaha Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya ayaa maanta ku laabtay magaalada Muqdisho ka dib socdaal uu ku soo kala bixiyay magaalooyin badan oo ka mida Afrika.
Madaxweynaha Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya ka dib markii uu halkaasi kulamo kula qaatay xalay illaa shalay xubno ka tirsan Beesha Caalamka.
Shariif  Sheekh Axmed ayaa waxaa ku wehilinayay socodaalkiisa qaar ka mida wasiiradii ka raacay Muqdisho kuwaasi oo kala qeybgalay Shirarkii ka kala dhacay Ndjimena,Kampala iyo Qaahira oo uu socodkiisa ku soo maray.
Amaanka wadada isku xerta Villa Somalia illaa Garoonka ayaa aad loo adkeeyay waxaana lagu soo galbiyay madaxweynaha Taangiyada Ciidanka Amisom oo si nabad ah u geeyay Villa Somalia oo dhawaanahan aad u adkayd sidii lagu gali lahaa.
Ma jirin wax madaafiic ah oo lagu garaacay Madaxtooyada waxaana wadooyinka dabka iyo Sayidka ka dhacayay rasaas aan sidaa u xooganayn oo u dhexeysay Ciidanka Dowlada iyo islaamiyiinta dhufaysyada ku jiray.
Madaxweynaha ayaa war bixin kooban  siiyay warfidiyeenada isagoo sheegay in uu ku faraxsanyahay soo dhawayntiisa garoonka Muqdisho isagoo dadka ugu baaqay nabad iyo daganaansho guud.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Kala xiriir:-
.
.
Comments
comments