Bartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Dowlada Fd Soomaaliya Shariif Sh.Axmed ayaa la xaqiijiyay maanta in uu hoggaan ka ahaa qeyb ka mida Dagaalada ka dhacay Caasimada Muqdisho iyadoo la arkay isagoo watta dharka Ciidanka Dowlada.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegayaa in saaka aroortii hore uu ka soo baxay xarunta Villa Somaaliya isagoo ay la socdaa Taangiyada Ciidamada Amisom ka dibna ay ku hakadeen dhanka Isgoyska Jubba Ee Muqdisho.
Mudda Saacad ah ka dib wada tashi ay galeen sarakiisha Amisom iyo kuwa dowlada waxaa si rasmi ah dagaalka uu uga bilowday dhanka Isgoyska Fiat halkaasi oo goob aan ka dheereen ay ku sugnaayeen Xogaga Xizbul Islaam.
Taangiyada oo ahaa ilaa 7-Taangi ayaa waxa ay isku qeybiyeen Wadooyinka fiat ee marta dhanka Beexaani,Wadada Xeebta ee ka baxda afaafka hore Ee Gaadiidka Booliiska ,Wadada isgoyska  Boondheere,iyo wadada Mana boly halkaasi oo mar qura ay ka bilabeen rididda qorigaasi iyo caawiyayaashiisa.
Madaxweynaha ayaa warar lagu kalsoonyahay oo soo gaaray Xafiiska Wararka Bartamaha Soomaaliyeed (www.Bartamaha.Com) waxa ay sheegayaan in uu hoggaan ka ahaa Ciidamadii Dowlada iyo kuwii Amisom ee galay dagaalkii ka dhacay dhanka Degmooyinka C/Casiis iyo Kaaraan halkaasi oo guula muuqda ay ka gaareen Ciidamadii uu dhiiri galinayay Madaxweyne shariif.
Dagaalkaasi ka dhacay Kaaraan ayaa ahaa kii ugu xooganaa iyadoo ay galeen wadooyinka Degmadasi aada ilaa 3-Taangi oo Ciidamamada Amisom ah iyo Ciidamo uu lahaa Yuusuf Indha Cadde iyo kuwii Maxkamadaha Dowlada raacay.
Ka dib muddo dagaalka uu socday Ciidamada Dowladana ay la wareegeen dhanka Degmada Kaaraan waxaa ka soo laabtay Dagaalka Ciidamadii ilaalada u ahaa madaxweynaha sida uu xaqiijiyay sargaal magaciisa ka gaabsadayiyadoo markaa ka dib saxaafada loogu yeeray shirjaraa’id oo madaxweynuhu uu ku qabanayay dhanka Madaxtooyada.
Madaxweyne Shariif ayaa waxa uu sheegay in dagaalka Maanta Muqdisho ka dhacay uu ahaa mid lagu xereynayay deegaanadii ay dhawaan la wareegeen Kooxo uu ku tilmaamay ajaanib dagaal iyo dhimasha doon ah.
Sheekh Shariif aya waxa uu sheegay in dhammaan deegaanada ay la wareegeen kooxahaasi haatan ay yihiin kuwa gacanta dowlada soo galay isla mar’ahaantaana ay ku fashilmeen dagaaladii ay dowlada ku wadeen muddo ka badan 2-bilood.
Madaxweynaha ayaa ku faanay guulo la taaban karo oo uu sheegay in Ciidamadooda ay ka gaareen dagaaladii maanta ka dhacay Muqdisho isagoo beeniyay in Ciidamada Amisom ay dagaalada ka qeyb-qaateen isla mar’ahaantaana ay duqeeyeen meelo uu ka mid yahay Suuqa Bakaaraha.
Madxweynaha ayaa si kulul u weeraray qaab dhaqanka Kooxda Alshabaab isagoo sheegay in dowlada ay aragtay dad ay ku gowraceen Magaalada Muqdisho taasi oo uu ku tilmaamay mid ka baxsan shareecada Islaamka.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdfisho-Somalia.