Calendar

Madaxweynaha maamulka Soomaliland, Axmed Maxamed (Siilaanyo) oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjire. Augustine Mahiga.

Madaxweynaha maamulka Soomaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya,

Danjire. Augustine Mahiga oo booqasho laba maalmood ah ku tagay Magaalada Hargeysa. Augustine Mahiga ayaa waxa uu Madaxweyne Siilaanyo kaga warbixiyey arrimo la xiriira nabad-gelyada iyo taageerada uu maamulkiisu ka doonayo beesha caalamka inay ka taageerto Adkaynta iyo kobcinta hawlaha nabad-gelyo ee ka socda Somaliland iyadoo la tixgelinayo khataraha, xasilooni daradu keento ee ka jira Dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidoo kale Augustine Mahiga uga warbixiyey fidinta Dimu-quraadiyadda ee Somaliland ka socda iyo Doorashooyinka Golayaasha deegaanka ee qorshaysan inay sanadkan ka dhacaan Somaliland.

Wuxuuna si gaar ah madaxweynuhu tilmaamay in kala saaridii ururada siyaasada ay imika u gudbeen mar xaladii ugu danbaysay oo ah Inay ka qayb galaan doorashada golayaasha deegaanka oo ay u soo baxeen 6 urur oo cusub iyo sadexdii xisbi qaran ee hore u jiray. Dhinaca kale wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramadada midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Augustine Mahiga ayaa isna ku dheeraaday sida ay beesha caalamka iyo xog-hayaha guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaaba ay Ugu faraxsan yihiin guulaha wax ku oolka ah ee ay Somaliland ka soo hoysay dhinacyada nabad-gelyada, Dimuquraadiyadda, dawlad Wanaaga, la dagaalanka Burcad badeeda iyo wax ka qabashada nabad-gelyo darada ka aloosan geeska Afrika. Wuxuu soo hadal qaaday Danjire Mahiga sida ay beesha caalamku diyaarka ugu tahay inay laban-laabto wada shaqaynta iyo taakulaynta ay u fidinayso Somaliland Oo caalamku u arko inay tusaale wanaagsan u noqon karto Geeska afrika.

Ugu dambayntii waxa uu tilmaamay muhiimada uu leeyahay shirka ka dhici doona magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, horaanta bisha June ee sanadkan, isagoo ku dhiiri geliyey inay Somaliland ka qayb gasho shirkaas, oo ah mid waxku ool ah.

Af- yeenka madaxtooyada soomaaliland

C/laahi Maxamed Daahir

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: