Calendar

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaalia Mudane Shariif Sheekh Axmed oo booqasho ku tagay Rwanda (SAWIRO)

War Saxaafdeed

(Kigali, Ruwanda , Abril,10,2011) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaalia Mudane Shariif Sheekh Axmed  oo booqashu ku marayay beryahan Bariga iyo bartamaha Afrika ayaa maanta booqasho ku tagay Magaala madaxda dalka Ruwanda ee Kigali.

3 (1)

4(2)

IMG_0182

Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweeyay Wasiiradda Arrimaha Dibadda Marwo Louise Mushikiwabo, Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Gen. James Kabarebe, Wasiirka Arrimaha Gudaha  Mudane Musa Fazil Harerimana ,Abaandulaha Ciidamada Cesar Kayizari iyo Qonsulka Soomaaliya Sooyaan Cali Cumar.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxaa  ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdikareem Xassan Jamac iyo wasiirka dhalinyarada, isboortiska,, shaqada iyo shaqaalaha Mudane Cabdinuur Macalin Maxamed.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa waxuu la shiray Madaxweynaha dalka Ruwanda Mudane Paul Kagame.Labada Madaxweyne ayaa waxaa ay ka wada hadleen arimo dhowr ah oo ay ka mid tahay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii  dowladda Soomaliya looga taageeri lahaay xagga siyaasadda, dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga iyo in la kaalmeyo dadka abaaraha ku habsadeen.

DSC_4099

Waxaa kale oo laga wada  hadlay habka Soomaaliya looga caawin lahaa in ay nabad waarto  ka dhacdo taas oo aas aas u ah in la helo dowlad Soomaliyeed oo heshiisiiso ummada Soomaaliyeed ee labaatanka sano ku jirtay burburka. Tallaabtaas ayaa ah mid ay dowlada Ruwaanda horay ugu guuleysatay iyo  in saxaafadda  iyo isgaarsiinta laga caawiyo dowladda  Soomaaliya.

Waxaa kale uu Madaxweynaha maanta booqday xarun lagu xassusto xasuuqi ka dhacay Dalka Ruwanda sanadkii 1994 oo looga warbixiyay  qaabkii iyo sababihii keenay iyo weliba sidii ay uga soo kabsadeen reer Ruwanda.

Malik Abdalla

Agaasimaha Warfaafinta

Xafiiska Madaxweynaha

Muqdishu, Somalia

[email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: