Madaxda Shirkada Urur Livestock Soomaaliya oo maanta sheegtay in dhawaan ay Puntland ka hergalinayso Xarumo lagu xanaaneynayo Xoolaha Soomaalida ka dib kulan ka dhacay Boosaaso(Daawo Sawirada)

Posted on Jul 20 2009 - 5:39pm by News Desk
Tweet
Pin It

00Bartamaha(Muqdisho):-Kulan balaaran oo maanta ka dhacay Hotel ku yaala Magaalada Boosaaso ayaa maamulka Shirkada Urur Livestock waxa ay ku soo bandhigeen daraasad xagga Hor’marinta Xoolaha oo ay ka sameeyeen Gobolada Maamul Goboleedka Puntland.

Munaasabad ay soo qabanqaabiyeen Madaxda Shirkada Urur Livestock taasi oo lagu soo bandhigayay Cilmi Baaris la xiriirta hormarinta bii’ada iyo Xoolaha Soomaalida ayaa maanta waxaa ay ka dhacday Magaalada Boosaaso iyadoo ay ka qeyb-galeenkulankaasi Ganacsatada Xoolaha ,Aqoonyahanada Deegaanada Puntland iyo Waxgaradka iyo salaadiinta Maamulkaasi kuwaasi oo halkaasi ka jeediyay hadalo kala duwan.

Madaxdii kulankaasi ka soo qeybgalashay ayaa waxaa ka mida ahaa Gudoomiyaha Urur Livestock Rashiid Warsame Urur (Biikolo),Dr. Dr.Franco Protela oo ka mida madaxda shirkadasi una dhashay wadnka Maraykanka, Dr.Maxmed Sh.Axmed (Dr.Afey) iyo madax kale oo ka socotay Shirkadaasi.

Madaxa Daraasaadka iyo Cilmi barista Urur Livestock Dr.Franco Protela oo ah aqoonyahan xagga Cilmiyada Xoolaha iyo Caafimaadka una dhashay wadanka Maraykanka ayaa mujiyeen in ay muhiim tahay bacrimin iyo nafaqeynta Xoolaha Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay kuwa cagga caafimaadkooda iyo wax soo saarka intaba gacan laga geysan karo.

Dhanka kale Dr.Maxmed Sh.Axmed (Dr.Afey) oo ah madaxa Caafimaadka Xarumaha Gudaha dalka soomaaliya Ee Urur Livestock ayaa dhankiisa waxa uu ka hadlay Caafimaadka Xoolaha ee Xaruntooda Magaalada Muqdisho isagoo sheegay in laga helo Lo’da caafimaadkooda ay ka taxadareen Caano aad u badan una iibgeeyo Suuqyada Muqdisho.

Rashiid Warsame Urur(Biikolo) oo ah Gudoomiyaha Urur Livestock oo gaba-gabadii kulanka la hadlay saxaafada ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in shirkada la aas-aasay muddo laga joogo 5-Sanadood xiligaasi oo shaqadooda ay ka bilaabeen Magaalada Muqdisho ka dibna ay xarun kale ka fureen Degmada Jowhar.

Dr.rashiid Warsame Urur (Biikolo) ayaa sheegay in xiliya badan ay qorsheynayeen sidii ay xarun uga furan lahaayeen Magaalooyinka Maamulka Puntland isagoo muujiyay in uu si weyn ugu faraxsanyahay in xiligan ay u soo gaba’gabowday Cilmi baaris ay ka wadeen maamulkaasi islamarkaana ay furayaan Xarunta Bacriminta iyo Nafaqeynta Xoolaha.

Masuulkan ugu sareeya Urur Livestock ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan qorshayaasha hormarinta ah ay hay’adooda ay wado islamar’ahaantaana uu sheegay in dhaqaatiir Soomaaliyeed ay u istaageen sidii caafimaadka Xoolaha iyo Caanahooda intaba u koontooli lahaayeen.

Waxgaradka iyo Ganacsatada Xoolaha ee ka socotay Bulshada Reer Puntalnda ayaa waxa ay sheegeen in ay si weyn ugu riyaaqeen waxqabadka shirkada Livestock Ee Maanta Boosaaso lagu soo bandhigay iyagoo sheegay in wax badan ay ka badali doonto xarunta dhawaan laga furayo Puntland Caafimaadka Caruurta Cabta Caanaha.

000

DR.AFEY

FRANCO

KUALNKA

GABAGABADII

adhi

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.