Calendar

Madaafiic lagu garaacay Madashii Maanta Ee Baarlamanka Soomaaliya xilli madaxweyne shariif kulankaasi oo goobjoog ka ahaa.

barlamanka iyo duqeyntaBartamaha(Muqdisho):-Madaafiicdan ayaa maanta lagu garaacay Xarunta uu ka socanayay Kulanka Baarlamanka Soomaaliya halkaasi oo ahayd dhismaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Cadaalada ay ku shaqeeyaan.

Madaafiicda oo ahaa kuwa Hoobiyayaasha ayaa wax ay soo dhaceen xilli dhammaan Xubnaha Baarlamanka soomaaliya ay ku sugnaayeen gudaha hoolka uu shirka ka socanayay.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Kolanyadii galbinaysay ayaa la sheegayaa in ay ku soo aadeen madaafiicda xiliga ay bilaabanayasay waqtigaasi oo la sheegay in albaabka uu ka soo dhaqaaqayay gaarigii waday Madaxweynaha.

Inta badan Hoobiyaasha ayaa waxa ay ku dheceen afaafka hore goobta shirka uu ka dhacayay oo ahayd Ex-Wasaaradii Cadaalada Ama agagaarka Isbitaalkii Martiini Degmada X/Weyne Ee Muqdisho.

Madaafiicda qaar ka mida ayaa waxa ay ku dheceen xeebta Dakada Magaalada Muqdisho iyo xaafada Martiine kuwaasi oo la sheegay in ay geysteen dhaawaca 4-ruux oo rayid ah.

Inta badan dadka ku dhaqan Degmada Xamar Weyne ayaa waxa ay bilaabeen in ay walaac ka muujiyaan madaafiicda ku bilaabatay Degmadooda oo u muqatay goobta kaliya Ee haatan Muqdisho nabadda ka ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: