Madaafiic galabta lagu garaacay Xaafado ka mida Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan Ee Muqdisho
Bartamaha(Muqdisho):-15-qao ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 30-kalana way ku dhaawacmeen ka dib duqayn aan kala sooc lahayn oo galabta loo gaystay xaafado ka mida Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan Ee Muqdisho.
Madaafiicdan oo u badnayd nuuca ka dhacday qoriga Tangiga ayaa galabta lagu garaacay xaafadaha Suuq Bacaad,Sanca,Arjantiin oo ka kala tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay isku hor’fadhiyeen ciidamada dowlada iyo xoogaga Mucaaradka.
Inta badan magaalada Muqdisho ayaa laga maqlayay dhawaqa madaafiicda lagu duqeynayay xaafadahaasi maalmihii la soo dhaafay la isku hor’fadhiyay iyadoo madaafiicda ay ku dhaceen guro dadkii daganaa ay isaga barakaceen balse ay ku harsanaayeen dad kooban oo illaala ka ah guryahaasi.
Duqeynta galab waliba lagu sameeyo xaafadaha ay ku xooganyihiin Islaamiyiinta Mucaaradka ayaa galabta o kaliya waxaa gaw3aarida gurmadka dag-daga ah ay qaaden ilaa 30-ruux oo dhaawacya qaba iyadoo la arkay dhimashada ilaa 15-ruux oo kale kuwaasi oo madaafiicda ay gurayahooda kula dhacday.
Xaafadaha Arjantiin,Kaaraan,Sanca,Mirinaayada,iyo qeyba ka mida Suuq bacaad ayaa madaafiicda galabta lala beegsaday iyadoo xaafadaasi intooda badan ay dadka ku go’doomeen maadaama ay adkaatay u gargaarida dadka dhaawacyada qaba.
Xilliyada galabtii ah wixii ka danbeeya 3-Galabnimo dadka ku dhaqan xaafadaha dagaalada ay ka dhaceen balse ay ku suganyihiin Islaamiyiinta waxa ay fishaan madaafiic lagu garaaco maadaama ay caada noqotay in galab waliba xaafadahaasi la duqeeyo dad rayid ahna ay badanaa ku waxyeeloobaan.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments