Maamulkii Saddexaad Ee Gobolka Banaadir oo Maanta Xizbul Islaam ay Muqdisho uga dhawaaqeen.
Bartamaha(Muqdisho):-Ururka Xizbul Islaam ayaa maanta waxa ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen maamul dhankooda ah oo ay Magaalada Muqdisho u dhiseen.
Munaasabad ay Magaalada Muqdisho ku qabteen Ururka Xizbul Islaam ayaa waxa ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen madax ay u xilsaareen Maamulka Gobolka Banaadir iyo talisyada Ciidamadooda Ee G/Banaadir.
Godoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Macalin Xaashi Maxmed Faarax iyadoo kuxigeena uu u noqday Macalin Ibraahim Barre.
Sheekh Cabdalla Khadad oo ah Xog-hayaha Guud Ee Xizbul Islaam oo wareegtadaasi saxaafada u aqriyay ayaa waxa uu dhanka kale sheegay in Taliska Ciidamada G/Banaadir iyo ku xigeenadiisa la magacaabay isagoo ugu baaqay masuuliyiintaasi in ay waajibaadkooda guttaan.
Macalin Xaashi Faarax oo Xizbul Islaam ay u magacaabeen Gudoomiyaha G/banaadir ayaa sheegay in uu maamulkiisa Gobolka Banaadir uu wax badan ka qabandoono dhibaatada haysata shacabka soomaaliyeed iyo dhibaatooyi8nka ay ku hayaan Ciidamada shisheeyaha.
Hadaba Maamulka Cusub Ee Xizbul Islaam umagacaabeen Gobolka Banaadir ayaa imaanaya xilli Xarakada Alshabaab ay horey Maamul ugu dhiseen Gobolka Banaadir balse waxaa ka sii horeeyay Maamulka Dowlada Fd Soomaaliya Ee Qeyb ka mida Goboka Banaadir awoodiisu ka dhaqdhaqaaqdo.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â
Comments
comments