Maamulka Xisbul Islaam ee gobolka Gedo oo cafis u fidiyay xubnihii ka tirsanaa maamulkii hore Ee Gobolkaasi Gedo

Posted on Jul 1 2009 - 8:56am by News Desk
Tweet
Pin It

gobolka-gedoBartamaha(Muqdisho):-Sheekh Farxaan Cabdi Cilmi Mooge afhayeenka Xizbul Islaam Ee Gobolka Gedo ayaa daboolka ka qaaday in ay cafis u fidiyeen dhammaan xubnihii maamulkaasi Gedo haddii ay ka fa’iidaysanayaan.

Afhayeenka Xizbul Islaam Ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay muhiimtahay cafiskan ay fidinayaan xoogagoda isla mar’ahaantaana ay aaminsanyihiin in ay jiraan rag doonaya in deegaanadooda ay ku soo laabtaan balse ay ka baqanayaan Mujaahidiinta.

Sheekh Farxaan oo saxaafada kula hadlayay Degaanka Baardheere ayaa fariintan u sheegay dhammaan xubnaha gobolkaasi horey u joogay balse haatan doonaya soo laabashadooda Deegaanadii ay daganaayeen waxa uuna balan qaaday in aanay wax dhibaata ah u gaysanayaynin dhammaan madaxda iyo Ciidamada ku sugan Doolow.

Masuulkaasi Xizbul Islaam u hadlay ayaa ku cel-celiyay cafiskan oo muddo kooban dhamaan kara haddii aanay Ciidamada iyo Maamulkii horeba ka faa’iidaysan oo ay isku dayaan weerarada ay haatan qorsheynayaan taasi oo u tilmaamay in dhibaata ay horseed u nqondoonaan ciiddii ku soo duusha maamulka Islaamiga ah.

Hadalkan ka soo baxay maamulka Islaamiga ah Ee Gobolka Gedo ayaa imaanaya xilli dhaqdhaqaaqyo ciidan ay wadaan madaxda iyo Ciidamada ku sugan Deegaanka Doolow kuwaasi oo wacad ku maray in muddo koban ka dib ay tagyaan Deegaanada Gobolada Gedo iyo Jubooyinka.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia