Maamulka magaalada kismayo oo sheegay in ay hirgalindoonaan barnaamij dib loogu soo celinayo doofintii xoolaha nool ee dekada kismayo,

Posted on Jul 22 2009 - 5:58pm by News Desk
Tweet
Pin It

Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada kismaayo ayaa Maanta sheegay markii ugu horaysay   in ay soo Celinayaan dhoofintii xoolaha nool oo  Dakadda Magaalada Kismaayo.

Marsada Caalamiga ah ee  Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kadhoofijiray xoolaha nool xiligii ay wadanka katalinaysay dowladii dhexe ee wadanka soomaaliya iyo sidookale miraha kasoo go ijiray beeraha gobolka jubada hoose sida mooska oo intiisa badan uu qaadan jiray wadanka talyaaniga islmarkaana kamid ahaa lafdhabata dhaqaalha ee wadanka soomaaliya,

 Afhayeenka Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo Sheikh Xasan Yacquub oo Maanta warbaahinta usoo bandhigay Tallaabooyinka ay doonayaan in ay Maamulku qaadaan ayaa sheegay in ay arintani ka danbeeysay kadib markii Maamulka iyo Ganacsatada ay kulan wala Qaateen islamarkaana isku afgarteen in dib loo bilaabo Adeegyadii shaqo ee Muhiimka ahaa ee ka socon jiray Dakadda Magaalada Kismaayo Xilligii ay shaqeyneysay Xukuumaddii Dhexe ee Soomaaliya.

 Waxaa kaloo ay maamulka magaalada kismaayo sheegeyn in ay joojin doonaan dhooofin dhuxusha oo hada ah waxa kaliya ee laga dhoofiyo marsadda kismaayo ayna ku badali doonaan doofinta wax soo saarka dalka.

 Waxaana ay tani u Muuqataa in ay sare uqaadi doonto dhaqaalaha gobolada jubooyinka taas oo keeni karta in ay beeralay badan dib u abuurtaan beerahooda,

 

 

 

Ismaaciil Cali Cabdi

Bartamaha News

E-mail:

Kismayo-Somalia