Digniintan culus ayaa Maanta Maamulka Islaamiga ah waxay kaga dhawaaqeen Xafiiska Warfaafinta Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo, waxa ayna ku sheegeen in ay digniin culus u jeedinayaan Guud ahaan Ganacsatada gaar ahaanna Dadka ayagu ka ganacsada Sarifka Lacagaha Qalaad ee ka dhex shaqeeya Magaalada Kismaayo.
Â
Amuurtan Maamulka ay ka digeen Maanta ayaa waxa ay ahayd mid aad ugu soo badaneysay gudaha Magaalada Kismaayo, taasi oo ah in Ganacsatadu amaba qofka Sarifa Lacagaha Qalaad aanu qaadan lacagaha doolarka ah ee loo yaqaano (Madaxyaraha), iyo weliba kuwo kale ay suurto galku tahay in ay ka jeexanyihiin meelo illi ma qabato ah.
Â
Iyadoo aritnaasi inta badan ay joogteyn jireen ganacsatada gobolkaani J/hoose ayaa misna Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo waxa ay ka digeen in Ganacsatadu haatan ay diidaan Doollarkaasi Madaxyaraha loo yaqaan, islamarkaasina Maamulka qudhooduna ay diyaar u yihiin in ay meel mariyaan Go’aankaasi oo ay isticmaali doonaan lacagahaasi.
Â
Sidoo kale  Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in cidii u hogaansami weyso Awaamiirta Maamulka la waafajin doona waxa ay ka qabto Shareecada Islaamka.
Â
Â
Arintani ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xilli ay dhawaanahanba isa soo tarayeen Cabashada bulshada ee lacagaha lakala soocayo, waana markii ugu horeeysay ee Maamulka ay awaamir ceynkaan oo kale ah ku soo rogaan gacansatada Sarifka xilli ay bulshadu siweyn uga dhursugayeen waxa ay ka oran doonaan Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo.
Kala Soco Warar Xaqiiq ah www.Bartamaha.com
Kismayo-Somalia