read more »">
Calendar

Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo maanta fuliyay Xad gacan goyn ah,

kismaayo-mapMaxkamadda Shareecada Islaamka Ee Magaalada Kismaayo ayaa maanta waxay fulisay Xad gacan goyn ah taa oo ka dhacday Fagaaraha Beerta Xoriyadda ee Bartamaha Magaalada Kismaayo

Maxkamada Shareecada Islaamka ee Degmada kisamayo ayaa waxay cadaysay in ninka lagu magacaabo  Mahad Geele Yuusuf’ uu dhacay xili Habeen ah Guri ku yaalo Degmada Bu’aale EeXarunta Gubbalka J/Dhexe.isagoo ka Xaday lacag dhan $100 (boqol Doolar)  waxaana uu Mahad Geelle Yuusuf’ uu qirtay inuu arintaasi sameeyay.

Ninkaan maanta uu Maamulka islaamiga ah ee kismaayo uu gacanta ka gooyay ayaa waxa uu falka xatooyada ah ka gaystay Degmada Bu’aalle ee Xarunta G/J/Dhexe.

Goobta ay Gacan goynta ka dhacday ayaa waxaa kasoo qayb galay Dadwayne aad u faro badan kuwaasoo usoo daawasho tagay sida loo goynayay  gacanta inksatoo aysan ahayn markii ugu horaysay oo Magaalada kismaayo Gacan lagu gooyo.Waxaana sidoo kale ay goobta ahayd mid aad loo ilaalinayay, waxaana ku sugnaa Masuuliyiin Sar sare oo ka tirsan Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo.

Sikastaba ha ahaatee Ma ahan markii ugu horeeysay oo xad ceynkaan oo kale ah ay fuliso Maxkamadda Shareecada Islaamka ee Magaalada Kismaayo hore ayaa waxa ay u  fulisay 2 xukun oo gacan goyn ah kuwaas oo lagu fuliyay dad ku eedeysnaa Falal Tuuganimo ah.

Warar Xaqiiq ah kala soco www.Bartamaha.com

Ismaaciil Cali

Kismayo-Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: