Maamulka G/Banaadir ayaa ku goodiyay in ay awood ku gaarayaan Degmooyinka ay haystaan koxaha Mucaaradka.

Posted on Jun 2 2009 - 9:14am by News Desk
Tweet
Pin It

gobolka-banaadirBartamaha(Muqdisho):-Gudoomiye xigeenka Maamulka G/Banaadir C/Fitaax IbraahimShaaweeye ayaa shaaca ka qaday in ay dagaal ku qabsandoonaan dhammaan deegaanada ay haatan haystaan kooxaha mucaaradka ah.

C/Fitaax Shaaweeye ayaa sheegay in dhammaad deegaanada G/Banaadir ay ciidamadooda la wareegi doonaan isagoo sheegay in kooxaha uu ku tilmaamay Nabad –diid ay guud ahaan la wareegeen Degmooyinka Yaaqshiid ,Wardhiigley,Howl-Wadaag,Hodon,iyo Deyniille halkaasi oo uu tilmaamay in ay ammaan daro ka wadaan kooxahaasi.

Shaaweeye ayaa ku cel-celiyay in ay kooxaha mucaaradka ay wadaan dhibaato ay dhalinyarada deegaanadaasi u gaysanayaan isagoo sheegay in ay dagaal ku qasbayaan wiilasha soomaaliyeed ee dagan deegaanadaasi.

Masuulka u hadlay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ku faanay in ciidamadooda ay u tababaranyihiin sidii ay dalka uga saari lahaayeen kooxahan uu ku tilmaamay in ay ajaanib dalka ku soo xareeyeen si ay umadda dagaalada ugu sii jirto.

Hadalka Gudoomiye Xigeenka Maamulka G/Banaadir C/Fitaax shaaweeye ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan ciidamada dowlada loogu awood sheegtay dagaalo ka dhacay deegaano muqdisho ka mid ah kuwaasi oo looga soo eryaday ciidamada dowlada xaafadihii ay ku sugnaayeen.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.

Muqdisho-Somalia