Maamulka Gacanta Ku Hayo magaalada Kismaayo Oo Soo dhaweeyay Go’aankii Shaqadooda Looga Mamnuucay Hay’adaha Qaramada Midoobe .

Posted on Jul 21 2009 - 7:37pm by News Desk
Tweet
Pin It

Kista

 Maamulka Magaalada Kismaayo ayaa Maanta waxa ay soo dhaweeyeen Warsaxaafadeedkii shalay lasoo saaray kaas oo ku aadanaa in Hay’ado Samafal oo ka shaqeynayay gudaha Wadanka Soomaaliya looga Mamnuucay Howlahoodii shaqo oo ay ka hayeen gudaha Wadanka Soomaaliya.

 

Hay’adahaasi oo ay kamid tahay Hay’adda UNDP oo Qaramada Midoobay u qaabilsanayd dhanka Horumarinta Mashaariicda iyo Barnaamijyada ayaa Maalinimadii shalay lagu sheegay Wareegto kasoo baxday Xafiiska Siyaasadda iyo Arimaha Gobollada Dalka ee ay leeyihiin Xarkada Ururka Alshabaabu Mujaahidiin iyadoo la sheegay in hay’adahaasi ay kasoo horjeedaan in Wadanka Soomaaliya laga hergeliyo Nidaam Islaami ah Islamarkaana lagu amray in ay isaga baxaan guud ahaan Dalka.

Wareegtadaan ayaa sidoo kale waxa loogu baaqay Hay’adaha kale ee ka howlgala gudaha Dalka in ay iska soo diiwaan geliyaan Xafiiska Siyasaadda iyo arimaha Gobollada Dalka ee Xarakada Ururka Alshabaabul Mujaahidiin ee Magaalada  Magalada Muqdisho.

Sheekh Xasan Yacquub oo ah Afhayeenka Maamulka Kismaayo oo Maanta arintaasi ka hadlayay ayaa sheegay in ay siweyn usoo dhaweynayaan Tallaabada looga Mamnuucay Hay’adaha Samafalka ee ka howlgali jiray gudaha dalka isagoo sheegay in ay ahayd Mid loo baahnaa balse lala soo daahay sidoo kale wuxuu sheegay in ay iyagu ka maamul ahaan hore uga Ceyriyeen gudaha Magaalada Kismaayo qaar kamid ah Hay’adaha Samafalka.

Hadalka Maamulka Kismaayo ay kusoo dhaweynayaa Talaabooyinkaasi ayaa ku soo beegmaya Xilli Hay’adaha Laga Mamnuucay in ay Wadanka ka shaqeeyaan qaar kamid ah war Saxaafadeed ay maanta soo saareen ay ku sheegeen in ay shaqaalahoodii kala Baxeen Qeybo kamid ah Gobollada Koonfureed ee Wadanka Soomaaliyeed.

 

 Ismaaciil Cali Cabdi Bartamaha News

E-mail: [email protected]

Kismayo-Somalia