Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland oo si weyn u soo dhaweeyay awood kasta ee xal logu helayo dagaalada ka socda Dalka Soomaliya.

Posted on Jul 11 2009 - 3:17pm by News Desk
Tweet
Pin It

seeftabanaankaBartamaha(Muqdisho):-Wasiirka Warfaafinta Dowlad goboleedka Puntland ayaa si weyn u soo dhaweeyay in awood waliba loo adeegsado sidii xal loogu heli lahaa dagaalada ka socda Caasmida Somaaliya Ee Muqdisho.

Warsame Cali Siciid oo ah Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland oo la hadlayay warfidiyeenada ayaa waxa uu si weyn walaac uga muujiyay dagaalada ka socda Caasimada Mudisho isagoo sheegay in ay soo dhaweynayaan wax waliba oo xal logu heli karo dhibatada ka taagan Koonfurta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Puntland ay soo dhaweynayso in la helo Ciidamo sharciyad la siiyo isla mar’ahaantaana la dagaalama Xoogaga Mucaaradka ka dibna Nabad qasab ah sidaa ku dhaliya.

Warsame Cali Siciid ayaa tilmaamay in xaalada soomaliya in xilligan ay marayso meel ad looga naxo isla mar’ahaantaana ay u baahantahay in wax weyn laga qabto dhibaatada garaysa shacabka Soomaliyed iyo dhiiga waqtigiisa dheeraaday ee dhulka K/Soomaaliya ku daadanaya.

Wasiirka warfaafinta Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in Dagaalada ka socda Koonfurta Soomaaliya ay masuul ka yihiin Kooxda Alshabaab iyo Islaamiyiin jihad doon ah oo ka kala yimid dunida Muslimka kuwaasi oo doonaya in xukunka Dalka Soomaaliya ay xoog kula wareegaan.

Hadalkan ka soo yeeray Maamulka Puntlandayaa imaanaya xilli dagaalada ka sii socda Koonfurta Soomaaliga gaar ahaan Muqdisho ay sii kordheen iyadoo dad badan oo barakacayaal ah ay gaareen Maamul Goboleedka Puntland.

Xafiiska Wararka  Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.