Maamulka Degmada Warta Nabadda oo ka hadlay Madaafiic xalay kusoo dhacey
Deeqo C/qaadir gudoomiyaha Degmada Warta Nabadda ayaa faahfaahin ka bixisay Madaafiic xaley qeybo kamid ah kusoo dhacey Degmadaasi.
Marwo Deeqo cabdiqadir ayaa sheegtay in labo madfac ay geesteen khasaaro islamarkaana mid kamid ah madaafiicdaasi ay kusoo dhaceen guri ay ku sugnaayeen qoys islamarkaana halkaasi ay ku geeriyootay hooyada guriga halka sidoo kalena uu ku dhaawacmay wiil ee dhashey.
Qooska Madfaca ku dhacey ayaa Maamulka Degmada ay gurmad caafimaad ah ufidiyeen waxaana loola cararay isbitaalada Magaalada Muqdisho.
Madaafiicdan xaley ku dhacey Qeybo kamid ah Degmada warta nabadda ayaa ujeedkooda uu ahaa in lagu weeraro xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.