Bartamaha(Muqdisho):-Maamulka Magaalada Balad-Xaawo Ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in ay wadaan baaritaano ay ku daba joogaan halka ay la aadeen kooxihii habeen hore afduubka ka geystay Deegaanka Mandheere Ee Dalka Kenya.
Sheekh Cismaan Ibraahim Madaxa Arrimaha Bulshada Maamulka Islaamiga ah ee degmada B/xaawo ayaa waxa uu sheegay in habeen hore xili danbe lagu soo wargaliyay in deegaanadooda lala soo aday rag laga soo afduubtay dhanka wadanka Kenya oo u shaqeynayay hay’adda ACF Ee laga leeyahay wadanka Faransiiska.
Madaxa arimaha Bulshada Ee Maamulka Balad Xaawo ayaa waxa intaasi raaciyay in ay xiligii uu waaga baryay ay ka warheleen in koxaha afduubayaasha ah ay kala gudbeen Deegaanka Luuq isla mar’ahaanataana maamulkooda ay wargaliyeen maamulada Gobolada Bay iyo Bakool si loo qabto raggaasi.
Masuulkaasi ka tirsan maamulka Gobolka Gedo ayaa hadalkiisa ku soo afmeeray in ay jirto iskaashi xagga ammaanka ah oo ka dhexeeya Maamulka Gedo iyo Maamulka Deegaanka Mandheera isla mar’ahaantaana dhankooda ay sii daba joogi doonaan kooxaha afduubayaasha ah inta gacantooda ay ka soo galayaan.
Illaa haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Kooxaha afduubka u geystay shaqaalaha hay’adda Faransiiska ah Ee ACF xilli welli gacanta Islaamiyiinta ay ku jiraan laba sargaal oo faransiis ah kuwaasi oo illaa waqtigan aan laga soo saarin wax dalab ah.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.