Calendar

Maamulka Alshabaab Baydhabo oo ku hanjabay in ay qoorta ka jari doonaan Ciddii gacansaar la yeelataa Ciidamada Maamulkii hore ee Goboladaasi.

baydhabaBartamaha(Muqdisho):-Sheekh Xasan Deerow oo ah Taliyaha ciidamada Al-shabaab ee gobolada Bay iyo Bakool ayaa shaaca ka qaaday in ay la socdaan dad la shaqeeya maamulkii hore ee Gobolkaasi kuwaasi oo uu ugu goodiyay in ay dili doonaan hadii aanay joojin howlahaasi..

Sheekh Xasab Deerow oo shalay meel fagaara ah kala hadlayay Bulshada reer Baydhabo ayaa sheegay in ay ka war hayaan tira dad ah kuwaasi oo hagaya isla markaana ku soo hogaaminayay gobolada ay Alshabaab ka arimiyaan kooxihii horey deegaanadaasi looga saaray.

“Kuwa la shaqeeya  qaswadayashii gobolkan oo aan hayno magacyadooda iyo deegaanada ay ku noolyihiin haka waantoobaan falalkaasi oo haka towbad keennaan xiriirinta ay wadaan oo deegaanadan ku soo hogaaminayaan Cadowga ilaahay,haday joojin waayaan waan dili doonnaa waxaana ku gowracaynaa Toorey Qaloocan iyadoo aad joogtaan Garoonkan gudihiisa..”ayuu yiri wadaadkaasi hoggaanka ciidanka Alshabaab ah.

Wadaadkan u hadlay kooxda Alshabaab oo xiligan dagaal u bira tumanaysa ayaa waxa uu bulshada reer Baydhabo ugu baaqay in ay jihaadka ka qeybgalaan sida uu sheegay looga hortagayo cadow diidan nabadda ka jirta Bay iyo Bakool.

Hadalkan ka soo yeeray sargaalkaasi Alshabaab ka tirsan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli dhaqdhaqaaqyo ciidan ku wajahan deegaanada Bay iyo Bakool ay wadaan Maleeshiyaadkii dowlada Xiriirka la lahaa ee horay looga saaray gobolada Bay iyo Bakool.

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: