Maalinta Xuriyada oo laga Xusay Magaalada Nairobi(Daawo Sawirada).
Bartamaha(Nairobi):-Xuska 50-guuradii ka soo wareegtay Maalinta Xuriyada Dalka Soomaaliya oo Xalay si weyn looga dabaal dagalay Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya.
Munaasabad balaaran oo Xalay lagu qabtay Hoolka Xafladaha Ee “City Hall†Magaalada Nairobi ayaa waxaa ka soo qeybgalay Boqolaal dadweynaha ah ,Madax sare oo ka mida Dowlada Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin Caalami ah.
Munasabada ayaa waxa ay ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxaana halkaasi Heeso ku soo bandhigay Kooxda Waayaha Cusub oo si aad ah masraxa uga muuqatay.
Muuqaalka goobta ayaa ahayd mid qurux badan waxaana dhamaan Xaruntaasi lagu xardhay Calanka Soomaaliya oo ay inta badan dadka wateen Muuqaalada Calanka iyadoo qaar ka mida ka qeybgalayaasha ay wateen Dharka Calanka halka qaar kalana ay Wejiyada ku soo Calaamaysteen Calankeena Soomaaliya.
Waxaa Munaasabada Hadal ka jeediyay masuuliyiin ka socotay Dowlada KMG ah sida:-
Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali,
Wasiirka Cadaalada Sheekh C/raxmaan Janaqow
Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Khaalid Xaaji.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko.
Afhayeenka Cidianka Booliiska Soomaaliyeed Col.C/laahi Xasan Bariise.
Taliyihii hore Ee Ciidanka Militariga Gen.Yuusuf Cismaan Dhuumaal.
Gudoomiyihii hore Ee Gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur.
Iyo masuuliyiin kale oo dhammaan shacabka Hambalyo u diray.
Goobta waxaa sidoo kale la hadlay safiirka Dowlada Talyaaniga u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Stifano Dejak oo muujiyay sida farxada badan ee shacabka ugu faraxsanyihiin Maalintii Xuriyada Dalka.
Safiirka Talyaaniga waxa uu sheegay in uu rajaynayo Munaasabadan oo kale in mar uun uu uga qeybgalo gudaha Magaalada Muqdisho ee Dalka Soomaaliya.
Abaabulaha guud ee Munaasabada oo ahaa Safiirka soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko aya saaray Calanka Wadanka Soomaaliya markii la gaaray Xiligii loogu talagalay Calan saarka oo ku beegnayd abaara 12:00-Saqdii dhexe Ee Xalay.
Sida muuqaalka Sawirada aad ka dheehan kartaan Madax badan uu la hadlaysay www.Bartamaha.Com waxa ay Hambalyo u dirayeen dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan oo Xalay ka midaysnaa Munaasabada Xuska 50-guuradii ka soo wareegtay Maalinta Xuriyada.
Daawo Sawirada:-
C/risaaq Yuusuf Cabdalla “Kampalaâ€
Kambaala77@Gmail.com
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi-Kenya
Comments
comments