Bartamaha(Nairobia):-Kulanka ay ku balansanaayeen Madaxweynaha Dowlada Fd Soomaliya iyo Xog-hayaha Arimaha Dibada Maraykanka ayaa maanta lagu wadaa in uu ka dhaco Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya.
Mrs.Hillary Clinton iyo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay ku kulmaan magaalada Nairobi halkaasi oo haatan ay labada masuul ay ku wada suganyihiin.
Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa shalay halkaasi iska sii xaadiriyay isagoo u diyaar garoobaya kulankii ugu horeeyay oo uu la yeesho Xog’hayaha Arimaha Dibada Maraykanka Ee ugu horeeyay .
Labada Masuul ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan arima dhowr ah oo ay ugu muhiimsantahay isbadalada dalka soomaaliya xiligan ka taagan iyo taageerida dowlada Fd Soomaaliya.
Madaxweynaha aya horey u sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay kulanka ay ku balansanyihiin haweenayda Xog-hayaha arimaha dibada Maraykanka ah isagoo fursan dowladiisa u soo hoyatay ku tilmaamay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.