KULAN LOO QABTAY WAALIDIINTA SOOMAALIYEED
Bartamaha Minneapolis — Dalladda dhalinyarada u adeegta ee Somali Youth Network Council (SYNC) ayaa waalidiinta Soomaaliyeed u qabtay kulan wacyi galin iyo aqoon is waydaarsi iskugu jira. Kulankan ayaa u jeedadiisu ahayd in laga wada hadlo dhibaatooyinka kala go’a aan lahayn ee soo wajahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota.
Kulankan oo dhacay maalintii Jimcaha, taariikhduna ahayd, 8/21/2009 ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Brian Coyle Community Center. Waxaa halkaas ka hadlay, waalidiintana la wadaagay dhibaatooyinka dhabta ah ee hareereyey da’yarata Soomaaliyeed, Mohamed H. Mohamud oo ah maamulaha guud ee Ururka Waalidka Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, ahna macalin caan ka ah gobolka Minnesota. Waxaa kale oo halkaa ka hadlay Aminah Saleh oo ah hooyo Soomaaliyeed, una shaqaysa Ururka Family and Children Services, ururkan oo u adeega bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa goobtaas ka hadlay dhalinyaro ay kamid yihiin Abdirahman Mukhtar oo isagu mudo ku dhow toban sanno la shaqaynayay dhalinyarada iyo da’yarta Soomaaliyeed, ahna maamulaha barnaamijka dhalinyarada ee xarunta Brian Coyle.
Waxaa xusid mudan in kulankani uu aad uga duwanaa kulamada inta badan loo qabto waalidiinta Soomaaliyeed ama ay iskugu yimaadan bulshada Soomaaliyeed. Waxay dhamaan dadkii meesha iskugu yimid fursad u heleen in ay wax ka yiraahdan dhibaatooyinka haysta dhalinyarada iyo sida ay tahay aragtidooda dhabta ah. Waalidiinta halkaas joogay ayaa iyagu si gooni ah uga hadlay baaxada ay la’egtahay is maan dhaafka u dheexeya iyaga iyo ubadkooda.
Sidoo kale waxaa warbixin cilmi baaris ku salaysan kulankaas ka bixiyay, Abdullahi Farah oo isagu ah agaasimaha guud ee mashruuca loogu magac daray Project Salaam. Mashruucan oo hoos yimaada dalladda ay kumidooben dadweynaha iyo ururada u adeega dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYNC. Abdullahi ayaa waxa uu halkaas ku falaanqeeyay arrimaha ay kamidka yihiin, dhibaatoyinka dhalinyarada haysta, baaritaankooda iyo sidii xal loogu heli lahaa. Wuxuu sidoo kale ka hadlay, una macneeyay mawduucyo ay kamid yihiin, dhaqan doorsiga, jaha wareerka iyo ismaan-dhaafka ay dhalinyarada iyo bulshada Soomaaliyeed ku sugan yihiin.
Go’aamadii iyo fikradihii ka soo baxay kulankan ayaa waxay ahaayeen kuwo ay kamid yihiin in wacyi galin joogto ah laga sameeyo mawduucan ku saabsan dhibaatoyinka soo wajahay dhalinyarada Soomaaliyeed. Qaar kamid ah waalidiinta goobtaas joogay ayaa waxay ka dhawaajiyeen in loo adeegsado aaladaha warbaahinta ee khaaska u ah bulshada Soomaaliyeed. Waxay ku cel celiyeen in si joogto ah loo isticmaalo barnaamijyada TV-ga ah ee ay Soomaalidu leedahay. Aabe kamid ah dadkii kulankaas ka soo qaybgalay ayaa isagu wuxuu dadweynihii kulankaas joogay ku dhiiro galiyay in arintan loo sameeyo gudi ka kooban waalid, dhalinyaro iyo dhamaan intii dhib ay ku hayso dhibaatoyinka hareereyay dhalinyarada Soomaaliyeed.
Abdirahman Mukhtar ayaa isagu si rasmi ah shaaca uga qaaday, waalidiinta Soomaaliyeed na u sheegay in runtii dhibaatooyinka dhalinyarada haysta ayna ahayn kuwo indhaha laga qarsan karo, iyagoo si joogto ah u saameysay qoysas badan oo Soomaali ah.
Gabagabadii kulankan ayaa waxay waalidiintu u mahadceliyeen dhalinyaradii soo qaban qaabiyay kulankan. Waxaa sidoo kale go’aan lagu gaaray in la badiyo kulamada noocan oo kale ah. Wacyi galin badan iyo aqoon is weydaarsinsa si joogto ah looga sameeyo arrimaha saamaynaya bulsho weynta Soomaaliyeed, gaar ahaan dhibaatooyinka dhalinyarada la xiriira. SYNC ayaa iyagu soo wada kulamo noocan oo kale ah iyo waliba kuwo loogu talo galay dhalinyarada kaliya.
HALKAN KA DAAWO SAWIRADII KULANKA
Qalinkii: Abdirahman Mukhtar
Sawiradii: SYNC
Comments
comments