Kulan dag-dag ah oo ay yeesheen madaxda wadamada deriska la ah dalka Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Sirta Dalka Liibiya.

Posted on Jul 1 2009 - 8:51am by News Desk
Tweet
Pin It

igad_leadersBartamaha(Muqdisho):-kulnakn oo ay iskugu yimaadeen madaxad wadamada Kenya,Ehiopia,Jabuuti iyo Soomaaliya iyo madax kale ayaa xalay xilli danbe waxa uu ka dhacay Magaalada Sirta Ee Dalka Liibiya halkaasi oo ay ku kulansanyihiin qaar ka mida wadamada Afrika.

kulankan ayaa la sxaqiijyay in uu qabanqaabadiisa lahaa Ra’iisul wasaaraha Ethopia Meles Zenawi kaasi oo kulan isugu yeeray madaxda deres wadaaga la ah dalka soomaaliya si ay iskula meel dhagaan wax ka qabashada xaalada dalka soomaaliya oo haatan ka sii daraysa isla mar’ahaantaana la wiiqay awooda dowlada.

Madaxweynaha Soomaakiya ayaa warar hoose ay sheegayaan in uu halkaasi ka hadlay isla markaana uu dowladaha la jaarka ah dalkiisa uu ka codsaday ciidamo muddo kooban dalka gacantiisa ku soo celiya ka dibna isaga baxaya dalka taasi oo uu si gaar ah uga dalbaday Kenya iyo Jabuuti.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa u sheegay madaxda wadamada kualnka ka yeeshay dalka Soomaaliya iyo xaaladiisa in uu dhankiisa diyaar u yahay in uu iska caabiyo Ciidamada Islaamiyiinta haddii ay isku dayaan in ay weeraro ku soo qaadaan gudaha dalkiisa isagoo ka caga jiiday in si toos ah uu u fara galiyo dalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa la sheegay in uu ku soo afjarmay natiija la’aan iyadoo madaxda Kenya iyo Jabuuti ay u sheegeen madaxweyne shariif in ay ka soo fiirsan doonaan u soo dirista Ciidamadooda gudaha dalka soomaaliya wallow ay muujiyeen murugada ay ka qabaan awoda dowlada oo la sii wiiqayo.

ma aha kulanki ugu horeysay ee wadamadaasi soomaalia xad wadaaga la ah ay yeeshaan wallow inta badanba aanu wax sidaa u buuran ka qaban xaalada dalka soomaaliya iyo codsiyada dag-daga ah ee ka soo baxaya dowlada soomaaliya oo ka baqi qabta in faraha uu ka baxo magaca dowlada ahaanshaheeda.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.