Calendar

Kooxda Qeylodhaan ayaa jawaab cad ka bixisay hadalka ka soo yeerey Xildhibaanada Baarlamaanka.

xildhibaanKooxda wadaniyiinta Qeylodhaan ayaa jawaab cad ka bixisay hadal ka soo yeeray qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee shalayto shirka jaraa’id ku qabtey magaalada Muqdisho ee ka cabanayay heesta Xildhibaanimooy xaal qaado, heestaas oo ay kooxda Qeylodhaan soo saartey mudo laga joogo labo todobaad.

Shirka jaraaid ee lagu qabtey magaalada Muqdisho ayaa eedayn iyo raaligalinba looga codsadey inay ka bixiyaan heesta ay u qaadeen xildhibaanada kooxda Qeylodhaan.

Kooxda Qeylodhaan oo arinkaasi ka jawaabaysay ayaa ku tilmaamtey qeylada ka soo yeertey qaar ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka  mid aan sax aheyn, waxayna sheegeen inay dagaal aan hubaysneyn la galayaan kuwa sheeganaya inay yihiin mudanayaal baarlamaan ee hadana ku caan baxay u adeegida shisheeyaha,musuqmaasuqa, laaluush qaadashada, iibsiga bada, dhulka, domeinka iyo wadaniyad darada.

Waxaan soo wadnaa heeso musalsala oo isdaba joog oo aan uga hadleyno qaabka ay u shaqeeyaan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa nasiib xumo weyn ah Dowlad iyo Baarlamaan ka galey kaalinta koowaad koobka musuqmaasuqa iyo laaluushka qaadashada Caalamka inay nagula coloobaan runta ka hadalka iyo sheegida waxa jira.

Kooxda Qeylodhaan waa koox wadani ah oo soo saarta mar walbo heeso wadaniyad ku dheehan tahey oo lagu cabiraayo maslaxada iyo damiirka shacabka Soomaaliyeed, tusaale ahaan heesta 4.5 bulshyaheey ha yeelina, erayada heesta qayb ka mid ah waxay kaga hadlayaan Prof Dalxa inuusan mudnayn in lagu tilmaamo inuu yahay bar ama jab balse mudan yahay xuquuq la mid ah kuwa sheeganaya inay dhan yihiin.

Balse Kooxda Qeylodhaan aad iyo aad ayay uga xun tahey in mudane Dalxa inuu hormood ka noqdo kooxda eedaynayso kooxdooda madaama  ay  ka aaminsanayaan inuu yahey nin wadani ah oo ay garab taagnaayeen markii la rabay in laga tuuro maamulka baarlamaanka, waxaan ka codsanaynaa inuu dib u eego oo miisaamo heesaha kale duwan ay kooxda ka qaadey xaalada dalka Soomaliya marayo, marka waa inuu raali galin qaas ah siiyaa kooxda Qeylodhaan kana baxaan kooxda rabta inay aamusiso  si ay ugu sii noolaadaan waxa lagu yaqaan ee heesta tilmaameyso ayuu yiri mudane Cabdi Shire Jama ‘’Ciyaar jecel’’.

Kooxda Qeylo dhaan waxay u taagan codka dadka aan hadli karin ee xaqooda lagu dudsiinaayo Soomaaliya u hadalkooda iyo taageerada guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Heestan cusub ayay soo saartey kooxda Qeylodhaan kadib markii koox xildhibaano ah isku dayeen inay handadaan , waxaana la yiraahdaa heestan Xildhibaanimooy xaal qaado part 2, waxaa curiyay miraheeda abwaan Shiikh Maxamed  Xuseen Abuukar ‘’Awliyo’’ oo ka tirsan kooxda Qeylodhaan.

WAA HEESO MUSALSALA OO ISDABA JOOGA NOQONAYA KADIB HEESTII XILDHIBAANIMOOY XAAL QAADO.
xildhibaan is doortoo

lagu xulay qabiiloo

xujo iyo dhibaan nacay

xubigii  dalkiisiyo

xushmad iyo wadanimo

laga xalay xaq-dhowrooo

aan xishoonin baan nacay .
xal ma raadshe tuugoo

masaakiinta xadda iyo

laaluush ku xoogsade

xaqa diidayaan nacay
xuduudaha dhulkeeniyo

badda xaalufkeediyo

qaxootiga xeryaha tuban

xubeerada naftoodyio

la xakaarayee dhibban

xaasas badan ka biishaha

xalka diidayaan nacay.

waa koox naloo xulay

iyagaa is xaasida

xabsi bay ku nool yihiin

xushmadiyo wanaagii

xaquuqduu lahaan jiray

xooluu ku doorsaday

xanti mooge maahane

waa waxaan xishoonayin.

wasiirada xubnaha sare

kii aan  xisaab bixin

xirfad laguma doortiyo

danta guud nin xalin kara

xigto iyo qaraabiyio

waxa lagu xushaa been

iyo kii wax xadi kara.

xushmad beelka nagu dhacay

waxa loo xaglinayaa

xildhibaanadeenaan

doowladuhu xusheenee

aynagu xasuuqeen

dalka nooga xoogeen

xaqiiqada dhabtaa iyo

xogta jira ogaatee

dadweynoow xisaabtama

xarbi iyo la gala dood

xaquuqdiina raadsada.

W/D: Yusuf Yusuf

[email protected]

London

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: