Kooxda Ahlu-Sunnha Wal-Jamaac oo guula ka sheegatay dagaaladii ka dhacay Hiiraan Iyo Gal-gaduud.

Posted on Jul 23 2009 - 7:00pm by News Desk
Tweet
Pin It

ahlu sunaahBartamaha(Guri-Ceel):-Afhayeenka Kooxda Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca Sheekh C/risaaq Ascari oo saxaafada kulahadlay Gobolada Dhexe Ee Dalka ayaa sheegay in dhankooda ay guula muuqda ka gaareen dagaalkii ka dhacay Deegaano ka mida Hiiraan iyo Gal-gaduud.

Afhayeenka Koxda Ahlu-Sunnha ayaa sheegay in dagaalka ay la galeen Kooxda Alshabaab ay dhankoodsa guula la taaban karo ka gaareen islamar’ahaantaana ay arkeen ilaa 40-Mayd ah oo ay ka carareen Kooxda Alshabaab.

Sheekh C/risaaq ayaa sheegay in Kooxda uu u yaqaano Khwaarijta ay dagaalada dhankooda soo qaadeen balse ay qasaara kala kulmeen isagoo sheegay in ay hataan maydadka ay ka tageen iyo dhaawacyo ay dhankooda isbitaalada u soo qadeen kuwaasi oo uu sheegay in ay saxaafada u soo bandhigi doonaan.

Afhayeenka Ahlu-Sunnah kooxda la baxday ayaa dhankooda qiray in ay dagaalka uga dhniteen ilaa 6-askari dhaawacyadana ay gaarayaan ilaa 11-kale oo haatan lagu daweynayo isbitaalada ay maamulaan Kooxdooda Ahlu-Sunnah .

Hadalkan ka soo baxay Kooxda Ahlu-Sunnah ayaa waxa uu ka danbeeyay ka dib markii Afhayeenka Alshabaab uu sheegay in ay guula ka gaareen dagaaladii ka dhacay Deegaanka Maxaas Ee Gobolka Hiiraan kaasi oo uu ka danbeeyay dagaal qaraar oo maanta ka dhacay Deegaanka Wabxo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.