Kooxda Ahlu Sunna Wal-jameeca oo xalay si rasmi ah uga dhaqan galisay Bandow Deegaanka Caabudwaaq Ee G/Galgaduud .

Posted on Jul 7 2009 - 9:31am by News Desk
Tweet
Pin It

Ahlusuna

  Bartamaha (Muqdisho) Bandowgan oo ay soo rogtay kooxda Ahlu-sunnah Wal-Jamaac ayaa xalay waxa uu si rasmi ah uga dhaqan galay degmada Caabud-Waaq Ee Gobolka Gal-Gaduud halkaasi oo mudooyinkii la soo dhaafay ay gacanta ku hayeen kooxda Ahlu-sunah.

Dadka ku dhaqan Deegaanka Caabud-Waaq ayaa waxa ay bilaabeen abaara 7-Fiidnimo in ay guryahooda ku xaroodaan iyagoo aqblaya bandowga bilaabanayay 9-Fiidnimo ee halkaasi ay ku soo rogeen kooxda Ahlu-sunnah Wal-Jamaac oo iyana ciidamo ku soo daadisay wadooyinka Degmada.

Bandowga xalay la saaray Deegaankaasi ayaa waxaa shalay xilli hore lagu wargaliyay dadka deegaanka iyagoo loogu sheegayay gawaari ay ku xeranyihiin Cod-baahiyayaal isla mar’ahaantaana lagu farayay in ay u hogaansamaan bandow ammaanka lagu sugayo oo halkaasi lagu soo rogay.

Ma jiro wax war ah oo ay saxaafada ka siiyeen saraakiisha hogaanka ka ah koxda ahlu-sunnah Deegaanka Caabud-Waaq iyadoo xiligii gawaarida cod baahiyayaasha marayeen gudaha Degmada ay bandowga ku fasirayeen amaan sugidda Caabud-Waaq.

Kooxda Ahlu-Sunna ee maamusha Deegaanka Caabud-Waaq ayaa la sheegayaa in dhawaanahanba ay ka cabsanayeen weeraro kaga yimaada kooda dagaalka kala dhaxeeyo Ee Alshabaab oo la sheegayo in ay hanjabaadyo u soo direen madaxda maamulkaasi una sheegeen in ay weeraro ku soo qaadi doonaan.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.