Bartamaha(Muqdisho):-Kooxaha Soomaalida ah ee loogu yeero Burcad Badeeda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay u suurta gashay afduubitaanka Markab Xamuul ah oo marayay Xeebaha Gacanka Cadmeed kaasi oo ay saarnaayeen in ka badan 10-Shaqaali ah.
Wararka markabkaasi laga helayo ayaa sheegaya in ay la socdeen shaqaala u kala dhashay wadamada Indonisa,Philpin kuwaasi oo si daganaan ah ugu wareejyay maamulka markabka raga burcad badeeda ah.
kabtanka markabkan oo la sheegayo in uu u dhashay wadanka Srilanka ayaa la sheegayaa in ay dhaawac u geesteen Burcadda afduubayaasha ah ka dib markii uu isku dayay in uu awood kaga baxsado.
Markabka la afduubtay ayaa lagu magcaabaa E.M.G. Bandara oo la sheegay in uu ka soo shiraacday dakadda magaalada ka Rakwana halkaasi oo uu ka soo qaaday qalab dhismo iyo alaaba kala duwan.
Markabkan ayaa la mid noqonaya tiro maraakiib ah oo haatan gacanta ugu jira raga Burcad Badeeda soomaalida ah kuwaasi oo gacanta ku haya shaqaale gaaraya ilaa 230-shaqaalaha ah oo u badan wadanka Philipin.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia