Bartamaha(Qaahira):-Ambassador Samiir Xusni u qeybsanaha Jaamacada Carabka ee Xiriirka Afrika ayaa daaha ka qaaday in ay jirto Qatar xagga Badaha dalka soomaaliya ka taagan iyo dhanka Bariga oo labada wax qabasho dag-dag ah u baahan.
Samiir Xusni ayaa sheegay in dhibaatooyinka xiligan ugu badan ay ka taagantahay dalka soomaliya gaar ahaan dhanbka Kooxaha Burcad Badeeda kuwaasi oo qatartooda caalamka ay saamaysay.
Mr.Xusni ayaa qiray in dhibaatada xagga Burcad badeeda wadanka soomaaliya dhibaatadeeda ay saamaysay dalka uu isaga u dhashay Ee Masar sida uu saxaafada u sheegay.
Samiir Xusni ayaa ku baaqay in la dhiso dowlad carbeed oo si toos ah uga qeybqaadata dadaalada la dagaalanka qatarta burcad badeeda wadanka soomaaliya maadaama ay sii naafaynayso howlaha ganacsiga ee caalamka iyo dhaqdhaqaaqa maraakiibta.
Ambassador Samiir Xusni ayaa tilmaamay in dhanka Gudaha dalka soomaaliya ay dhibaato ka taagantahay islamar’ahantaana caalamka uu ku guul daraystay taageerida dowlada Soomaaliya.
Dowlada soomaaliya ayuu sheegay in beesha caalamka ay ka dalbatay taageerida xagga ammaanka oo ay sheegtay in ay jirto Qatar xagga ammaanka iyo awooda ah oo dowlada sheegtay in ay haysato balse aanay caalamku arintaasi waxba ka fulin codsiga dowlada.
Sargaalkaasi u hadlay Jaamacada Carabta ayaa hadalkiisa waxa uu ku soo aadayaa xilli inra badan beesha caalamka ay xooga saartay howlaha la dagaalanka Burcad Badeeda wadanka soomaaliya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â
Â
Â