Calendar

Imaaraadka iyo Blackberry oo isku Dhagan.

blackberry8120_wideweb__470x368,2Bartamaha: (Tiknoolajiyadda)- Saraakiil ka tirsan dalka isutagga imaaraadka carabta ayaa taleefanka blackberry oo kamida taleefanada xaragada ee haatan caalamka laga isticmaalo ku sheegay in mar kale ay dib u baarid ku samaynayaan qaab isticmaalka taleefankaasi oo ay imaaraadku uga shakisan yihiin in taleefanka Blackberiga uu khatar ku keeni karo amniga iyo nabada galyada dalkaasi sida ay ku waramayso wakaalada wararka u qaabilsan dalkaasi ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano WAM.

Dulmarka Warbixinta.

• Taleefanka gacanta ee Balck berry oo dib loo baarayo halis galinta amniga imaaraadka.
• Imaaraadku waxay sheegeen in xogta taleefankaasi dibada laga maamusho.
• BlackBerry waxa uu imaaraadka  gaaray 2006 ka hor ansixinta sharciga cusub ee amniga.

Waxaa warbixintaasi dawladda kasoo baxday lagu cadeeyay in taleefanka gacanta ee BlackBerry laga hago meelo ka baxsan dalka isutagga imaaraadka carabta iyadoo lagu sheegay inuu yahay aaladda kaliya ee xogta ku kaydsan looga rogan karo goobo ka baxsan dalka isutaga imaaradka carabta gudihiisa aaladaha laga isticmaalo.

Waxaana arintani lagu micneeyay inay ka dambaysay markii la xaqiijiyay in qaar kamida adeegyada ku jira taleefankaasi ay ogolaanayana in si khaldan ay u isticmaalaan adeegaasi, taasi oo sababi karta khatar ku timaada shacbiga, iyo dawladda isutagga imaaraadka carabta isla markaana raad reeb xun ku reebi karta amniga iyo qaranimada dalkaasi waa sida warbixintu ay hadalka u dhigtaye.

Si kastaba ahaatee saraakiisha u hadashay dawladda imaaraadka carabta ayaa waxay sheegeen iney muddo badan ka shaqeynayeen sidii dib loogu xalin lahaa arintaan muhiimada gaarka ah u leh amniga imaaraadka taasi oo looga gol leeyahay in la helo xal dhamaeystiran oo damaanad qaad u noqon kara dhamaan kalyantiga isticmaalada aalada blackberry ee hadana ku nool gudaha dalka isutagga imaaraadka carabta,

Taleefanka BlackBerry oo kamida taleefanada xaragada kuwooda loogu isticmaalka badan yahay ee haatan la isticmaalo ayaa waxaa u gaaray dalka isu tagga imaardka carabta sanadkii 2006, hal sano ka hor markii ay imaaraadku soo bandhigeen sharciyo cusub oo ku aaddan dhinaca sugidda amniga dalkaasi.

Dhica kale shirkadda samaysa taleefanka gacanta ee BlackBerry oo ah taleefanada markii aad isticmaalayso laga xakameeyo shaashada oo lagu magacaabo RIM ayaa ka gaabsatay iney ka hadasho hadalada eedaymaha xambaarsan ee kasoo baxay dalka isutagga imaaraadka carabta, kadib xiriiro u la sameeyay talefishinka CNN oo mareykanka laga leeyahay.

Shirkaddan oo uu fadhigeedu yahay dalka Kanada ee Waqooyiga Mareykanka ayaa waxay ahayd markii ay aaladani soo bandhigaysay wakhtigii ugu horeeyay ee ay shirkaddu horumariso taleefan laga hagayo shaashada, waxayna arintani astaysay inuu Blackberigu noqdo aaladii ugu horeysay ee lasoo saaro iyadoonan lahayn Keyboradka amaba furaha lamabarada, waxayna shirkaddu loolan adag kula jirtaa shirkadaha lamidka ah ee sameeyaa taleefanka shaashada laga isticmaalo sida IPHONEKA, iyo dhawr nooc oo kale.

BlackBerrygii ugu horeeyay waxaa lasoo bandhigay sanadkii 1999 iyadoo labo sano kadibna oo ahayd sanadkiin 2002 uu soo shaac baxay nooca xaragada ee isla taleefankaasi, waxa uuna taleefankani fududeeyaa adeegsiga internetka oo laga isticmaalo taleefankaaga gacanta iyo dhamaan xogaha qaabka Wireless looga aardiya onlineka, taasi oo soo jiidatay kalyanti aad u badan oo baratan u galay isticmaalka Blackbery-ga.

Bartamaha.

Cabdiqafaar Shire.

Comments

comments

Category : Featured, Madadaalo | Entertainment, Warar Kale [ Other News ].
« »

Comment: