Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amneysty International ayaa si kulul u canbaareysay dilkii Agaasimihii Idaacada Shabeele kuna qaabqay in arintaasi la baaro .
Bartamaha (Muqdisho):- Hay’adda Amnesty International ayaa wax laga argaxao ku tilmaamtay falkii lagu toogtay agaasimihii idaacada shabeele Mukhtaar Maxmed Hiraabe iyo dhaawaca loo gestya Wariye Axmed Taajir.
Amnesty International warbixinta ay soo saartay ayaa waxa ay si kulul ugu canbaareysay xadgudubyada joogtada ah ee lagula dhaqaaqo Suxufiyiinta Soomaaliyeed taasi oo ay sheegeen in ay ka hor’imaanayso Xuriyada Hadalka.
Amnesty International ayaa sheegtay in ay muhiimtahay in dowlada Fd soomaaliya aya arintaasi baaqritaan ku samayso si loo gaaro xaqiiqda cidda sida tooska ah u beegsata wariyayaasha ka shaqeeya magaalada dagaalada Ee Muqdisho.
Hay’ada u dooda xuquuqul Insaanka ee Amnesty International ayaa sidoo kale sheegtay in ay walaac ka muujinayso dhaawaca halista ah ee lagula kacay wariye Axmed Taajir taasi oo ay sheegtay in uu fal isku day dil uu ka badbaaday wariyahaasi.
Cambaaraynta Hay’da xuquuqul aadanaha ayaa ku soo aadaysa xilli magaalada Muqdisho dil bareer ah loogu geestay Marxuum Mukhtaar M.Hiraabe agaasimihii idaacada shabeele iyadoo Suxufiyiinta Caasimaha ku nool ay ku suganyihiin xaalad cabsi ah.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments