Bartamaha(Muqdisho):-Hey’adda UNHCR Ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka Qaxootiga ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in dhibaatooyinka ka jira dalka soomaaliya ay saamayn xoogani ku yeesheen howlihii ay ka waday dalkaa taasi oo ay dheertaya dhibaatada haysata xiligan barakacayaasha jiifa duleedyada Caasimada.
Hay’ada ayaa xustay in dagaaladii ugu danbeeyay ee ka bilowday Muqdisho 7-May ay saamayn ku yeeshaan shacabka Caasimada ku nool dhammaaan islamar’ahaanataana ay guryahooda ka cararaan in ka badan 223,000-oo shacab Soomaaliyeed ah kuwaasi oo haatan dhibaato ay ku haysato duleedyada labada jiho Ee Caasimada Muqdisho.
Dadka ka barakacay guryahooda ayaa hay’adu ay sheegtay in 20,000-oo ka mida dadka qaxay ay ka carareen caasimada ka dib dagaalada oo u soo wareegay deegaanada dowlada ay ka arimiso iyadoo ay sheegtay warbixibta in dadkaasi ay haatan ku dacdaraysanyihiin inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye iyo dhanka Deegaanka Ceel-Macaan.
Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in dhankeeda ay dagaalada saamayn ku yeesheen islamarkaana ay jiijisay in ay qeybiso 4,000-oo shixnado gar-gaar ah ka dib markii ay adkaatay qeybinta gar-gaarkasi ammaan darada magaalooyinka dalka qaarkood.
Hay’adaasi ayaa qoraalkeeda ugu danmbayntii waxa ay baaq u dirtay dowlada Fd Soomaaliya iyo Xoogaga Mucaaradka iyadoo ay sheegatay in si xogani ay u taabanayso amarkii Alshabaab dalka uga eryeen qaar ka mida hay’ada samafalka.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Â