Hay’adda MSF oo albaabyada u laabtay xarumaheedii Woqooyiga Muqdisho iyadoo shaqaalaheeda kala baxday Caasimada .
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Bartamaha(Muqdisho):-Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudda lahayn ee MSF ayaa waxa ay si rasmi ah albaabyada isugu dhifatay xafiiskii ay ku lahayd waqooyiga Magaalada Muqdisho halkaasi oo noqotay goob dagaal.
Sargaal u hadlay ha’addaasi ayaa waxa uu sheegay in si toos ah dagaalada ay u saameeyeen xarumaha ay hay’adda ku lahayd Woqooyiga Magaalada Muqdisho halkaasi oo si toos ah madaafiic loogu garaacay goobaha ku dhow-dhow xafiiskoodii ugu weynaa Caasimada.
Sargaal u hadlay MSF Spian ayaa waxa uu sheegay in madaafiic si weyn looga argagaxayo lagu garaacay xaafado ka mida Degmooyinka Woqooyiga Muqdisho ah halkaasi oo ay ka argagaxeen shacabka an tabarta lahayn eek u nool ahlkaasi.
Sargaalkaasi u hadlay MSF ayaa hadalkiisa waxa uu ku xusay in dhammaan shaqalahooda ay kala baxeen dalka soomaaliya isla mar’ahaantaana ay geeyeen gobo nabad ah si KMG ah iyado ay gaareenh Magaalada Nairobi sida uu sheegay.
Hadalkan ka soo baxay sargaalka ma mida MSF ayaa imaanaya xilli xarumo ay hay’adaha Samafalka ku leeyhihiin magaalada Muqdisho dhawaan bililiqo lo geystay kuwaasi oo ay dhac u geysteen kooxo caraysan gaar ahaan deegaanada lagu dagaalamayo Ee C/Casiis iyo Kaaraan.
 Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments