Haweenay Ka tirsan Congreska oo Lagu Toogtay Arizona
Nin hubaysan ayaa xabad ku furay sabtidii Janaayo 8 2011 kadib markii haweenay ka tirsan Congreska Mareykanka oo lagu magacaabo Gabrielle Giffords ay kulan la qaadanaysay masuuliyiin ka socda magaalada Tucson ee gobolka Arizona ee dalka mareykanka..
Ms Giffords ayaa laga toogtay madaxa iyadoo ruuxa toogtay uusan masaafo aad u fog ka fogeyn halka uu kasoo toogay haweenaydani iyadoo sidoo kalana ay dhaawacyo soo gaareen tiro kale oo kasoo qeyb gasahay kullankaasi.
Haweenaydan ka tirsan Congreska ayaa isla markiiba loola cararay isbitaal ku yaalla magaalada Tucson si qaliin degdeg ah loogu sameeyo, iyadoo markii qaliinka lagu sameeyay kadibna la sheegay iney xaaladeedu aad u xun tahay isla markaan ay koomo ku jirto..
Ilaa iyo hadda sida la xaqiijiyay lix ruux ayaa dhacdadaasi ku geeriyootay ioyadoo shan ruux ay ku dhinteen madashii ay masahqadu ka dhacday halka ruuxa lixaadna uu ku geeriyooday isbitaalka waxaana kamid ahaa dadka halkaasi ku geeriyooday Garsoore John Roll oo kamid ahaa garsoorayaasha maxakamadaha federaaliga ah ee mareykanka, gabar 9 jir ah iyo qaar kamida kaaliyaasha siyaasadda Ms Giffords ayaa kamid dadka meesha ku geeriyooday.
Goob joogayaal ku sugnaa madasha ayaa xaqiijinaya in labo xubnood oo kale oo ka tirsan Shaqaalaha Ms Giffords ay kamid yihiin dadka goobta ku dhaawacmay.
Si kastaba ha ahaaatee booliiska ayaa sheegay in la bartilmaameedsanayay siyaasiyadaasi ka tirsan Congreska mareykanka.
Sidey Wax u Dhaceen
Mashaqadani ayaa ka dhacday banaanka goob laga dukaamaysto oo ku lagu magaacabo La Toscana Village, taasi oo ku taalla waqooyi galbeed magaalada Tucson ee gobolka Arizona.
Haweenaydan ka tirsan Congreska ee goobta lagu dhaawacay ayaa qabanaysan kulan ku aaddan iney cod bixiyayaasha ku siiso fursad ay wax isku weydaarsan karaan iyadoo kulamada noocani ah soo qabtay in kabadan 20 sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay Ms Giffords .
Tilmaanta Ruuxa la tuhunsan yahay
Ciidamada amaanka gobolka Arizona iyo sidoo kale ila wareedyo dhinaca federaalka mareykanka ah ayaa xaqiijinaya in la tuhun san yahay Jared Lee Loughner, iyadoo sidoo kalana la tilmaamayo in da’diisu tahay 22 sano jir, waxayna booliiska magaalada Washington xaqiijinayaan in ninkan la tuhun san yahay uu ku jiro xabsiga.
Laamaha ammaanka gobolka Arizona ayaa u xaqiijiyay Telefishinka CNN in Loughner uusan u jawaabaynin dembi baarayaasha isla markaana xaataa uusan weydiisanaynin inuu isagu laf ahaantiis a geystay dembiga.
Sarkaal ka tirsan boolsiika deegaanka Pima County oo lagu magacaabo Clarence Dupnik ayaa xaqiijiyay in ruuxa toogashadani sameeyay uu isticmaalayay Bistoolad si uu u fushado falkii uu ku toogtay dadkii kulankaasi kasoo qeyb galay.
Wali maysan xaqiijisay laamahan amaanku in ruuxa falkaasi gaystay uu kaligiis hawlgalka ku jirey iyo sidoo kal;e iney jireen shakhsiyaad kale oo arintani ku taageerayay.
Ruuxa la tuhunsan yahay oo la sheegay inuu haatan xabsiga ku jiro ayaa xaadiray amaba wax ka bartay Koleejka Prima College ee magaalada Tucson ee gobolka Arizona isagoo leh taariikh ay ku cad yihiin falal dambiyeedyo iyo sidoo kale dhibaatooyin la xiriira dhinaca maskaxda, iyadoo haatana uusan si wanaagsan ula shaqeynin dembi baarayaasha.
Shakhsiyaadka ay dhibaatadu soo gaartay , iyo ruuxa la tuhunsan yahay
Garsooraha la xaqiijiyay inuu madashani ku dhintay oo lagu magacaabo John Roll, kaasi oo loo magacaabay maxakamadda degmada ee gobolka Arizona waxaana sadankii 1991 magacaabay madaxweyne Bushkii weynaa
Waxaa la xaqiijiyay in garsoorahani ay soo gaareen sanadkii 2009 hanjabaado farabadan oo loogu hanjabay in lagu khaarajinayo kadib markii uu ogolaaday $ 32 oo ay ku kacday dacwad ka dhan ahayd muhaajiriinta amaba soo galootiga gobolka Arizona, inkabadan 200 oo jeer ayaa hal maalin la wacay xafiiskiisa looguna hanjabay in la khaarajin doono.
Waxayna hanjabaadahani dhaliyeen in muddo bil ah uu garsoorahani ku jirey damaanad qaad dhinaca boolsiika ah kuwaasi oo ka cabsi qabay in la dhibaateeyo.
Saraakiisha dawladda ayaa ku adakysanaya inuu isaguna kamid noqon karao shakhsiyaadka la bartilmaameedsanayay.
Sidoo kale waxaa kamid ahaa dadka meesha lagu toogtay islamarkaana geeriyooday Gabe Zimmerman oo horey u ahaa shaqaale dhinaca bulshada ka sahqeeya kaasi oo dhawaantan kamid ahaa saraakiisha dhinaca bulshada kale shaqeys Ms Giffords oo kamid ahayd Congreska mareykanka.
Madaxweynaha mareykanka Barack Obama oo shacbka mareykanka iyo warbaahintaba la hadlay ayaa cadeeyay inuu aad ugu xun yahay waxa uu ku tilmaamay musiibadan ka dhacday Gobolka Arizona oo uu ku sheegay iney tahay musiibo qaran.
Dhamaan asxbaata iyo siyaasiyiinta ay wada shaqeynayaa haweenaydani ka tirsan congreska Mareykanka ayaa ka hadlay dhacdadani iyagoo murugo laga naxo ku tilmaamay mashaqadani.
Sen. John McCain, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga horeyn Obama kula loolamay kursiga aqalka cad ee mareykanka ayaa sheegay in falalka noocani oo kala ah ay gaystaan shakhsiyaad aanan wax =ba ka garanynin caddaalada isla markaana lahayn wax naxariisa.
Waxa uuna siyaasigan rug cadaaga ahi tilmaamay in ruuxa kasta oo falkani gaystay, wax waliba oo ay sababtiisu ahayd ay sharaf dhac aad u weyn u hayaan shacbiga Arizona mareykanka.
Afhayeenka aqalka John Boehner ayaa sheegay inuu ka ragagaxay mashaqadani, iasgoo tilmaamay in weerarada lagu qaadayo siyaasiyiinya iyo saraakiisha bulshada iney yihiin wax laga xumaado islamarkaana anaan boos looga haynin bulshada mareykanka.
Madaxa cadaaladda Mareykanka John Roberts ayaa isagana soo saaray warbixin uu dhalaaecaynayo weerarkan ka dhacay magaalada Tucson ee gobolka Arizona.
W/D Cabdiqafaar Shire
Nairobi Kenya
Comments
comments