Calendar

Gudoonka Baarlamanka soomaaliya oo beeniyay in loo guuriyay Madasha Baarlamanka Magaalada Garoowe.

dhalxaBartamaha(Nairobi):-Prof.Maxmed Cumar Dalxa oo ah Gudoomiye Xigeenka1-aad Ee Baarlamanka soomaaliya ayaa si kulul u beeniyay in kulamada Baarlamanka loo weeciyay Magaalada Garoowe.

Gudoomiye Xigeenka ayaa waxa uu sheegay in baarlamanka ay saamayn ku yeesheen dagaalada ka jira Muqdisho balse aanay jirin wax ansixin ah oo lagu sameeyay in kulamada lagu yeesho Magaalada Garoowe Ee Puntland.

Prof.Dalxa ayaa muujiyay in Xildhibaanada ay haatan qaar badan oo ka mida dalka isaga bexeen ka dib markii dagaalada ay ku fideen deegaano aad u badan oo ka mida Muqdisho.

“Xildhibaanada hadii ay kulan yeeshaan oo ay ku ansixiyaan in kulamada lagu qabto Magaalada Garoowe madaxda Baarlamanka ma diidayso waana muhiim in deegaan nabad ah lagu kulmo waana dhulka dowlada hoos yimaada Garoowe”ayuu yiri Prof.Maxmed Cumar Dalxa.

Hadalkan ka soo yeeray Masuulkaasi ka mida madaxda Baarlamanka ayaa imaanaya xilli la hadal hayay dhawaanahan in Baarlamanka Soomaaliya kulankooda ugu horeeya uu ka dhici doono Magaalada Garoowe Ee Xarunta Maamulka Puntland.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: