Bartamaha(Muqdisho):-Sheekh Maxmed Maxmuud Warsame Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka Maamulka Maxkamada Islaamiga ah Ee Gobolka Hiiraan ayaa saaka shaaca ka qaaday in uu iska casilay xilii uu ka hayay Maxkamada islaamiga Hiiraan.
Â
Wadaadkaasi ayaa shaaca ka qaaday in isbadalada siyaasada dalka owgeed uu iskaga fariiostay shaqadaasi uu ka hayay Gobolka Hiiraan isagoo tilmaamay in xilgan wixii ka danbeeya uu yahay nin Ganacsade madax bannaan.
Sheekh Maxmed Maxmuud Warsame ayaa ahaa gudoomiyihii maxkamada Racfaanka Gobolka Hiiraan isagoo sheegay manta in uu go’aansaday is casilaad uu saxaafada u marsiiyay maamulka Gobolkaasi isagoo sheegay in aanay jirin wax hanjabaadya ah oo kaga yimid dhanka Islaamiyiinta Mucaaradka ah.
Is-casilaada masuulkaasi ayaa imaanaysa xilli ammaanka Magaalada B/Weyne uu faraha ka sii baxayo iyadoo horey ay xilalkoodii ay isaga dageen Madixii maamliyda Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Godoomiyihii maxkamada magaalada B/Weyne iyo madax kale.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â