Gudoomiyaha Degmada B/Xaawo oo ka soo horjeestay Xil ka qaadis la sheegay in lagu sameeyay Gudoomiyahii Gobolakaasi Gedo.

Posted on Jun 15 2009 - 8:47am by News Desk
Tweet
Pin It

axmed_barkuusBartamaha(Muqdisho):-Axmed Maxamed Yuusf Burkuus oo ah Gudoomiyaha Degmada Balad Xaawo ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadis la sheegay in lagu sameeyay Gudoomiyihiin Gobolkaasi Gedo.

Axmed Barkuus ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin xilka qaadistii shalay uu baahiyay Gdoomiye Xigeenki Gobolkaasi Maxmed Cabdi Kaliil taasi oo lagu sheegay in Xuseen Farey Gudoomiyihii gobolka Gedo uu ku biiray Alshabaab.

Axmed Barkuus ayaa tilmaamay in uu isaga u aaminsanyahay Gudoomiyaha rasmiga ah ee Gobolka Gedo Xuseen Farey oo ahaatan ku sugan deegaanka Mandheera isagoo sheegay in aanu marnaba jirin cid ka qaaday xilkaasi loona baahanyahay in sharciga la fuliyo.

Hadalka guddoomiyaha degmada B/Xaawo Axmed Maxamed Yuusuf Burkuus ayaa hadalkiisu waxa uu ku soo aadayaa xilli shalay gudoomiyaha ku xigeenkii Gobolkaasi Maxmed Cabdi Kaliil oo sheegay in uu isaga la wareegay gudoomiyanimada Gobolkaasi.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed Bartmaha.Com,

Muqdisho-Somalia.