Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Soomaaliya oo talaabo aan loo baahnayn ku tilmaamay shaqa ka fariisigii qaar ka mida Suxufiyiinta.
Bartamaha(Muqdisho):- Prof. Maxamed Cumar Dalxa Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Fd Soomaaliya ayaa talaabo lagu dag-dagay ku tilmaamay shaqa ka fariisigii shalay ay ku dhawaaqeen qaar ka mida Wariyayasha Muqdisho.
Prof. Dalxa ayaa sheegay in talaabaaasi ay ku dhaqaaqeen xubno kooban oo ka mida wariyayaasha idaacadaha Muqdisho ay ahayd mid aad loogu fududaaday isla mar’ahaantaana aanay ahayn tilaabo si xilkasnima ah loo qaaday.
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Dalxa ayaa tilmaamay in laga yaabo in suxufiyiinta la dilay loo beegsaday siyaasadaha dalka oo ay ka hadlayeen taasi oo uu sheegay in ay ka ho’imaanayso xuriyada hadalka in la dilo Suxufi soomaaliyeed.
Masuulkaasi ka mid ah aqoonyahanada dhanka Saxaafada ah ayaa ku baaqay in ay dulqaad sameeyaan Suxufiyiinta mar waliba la kulma dhibaatooyinka isagoo dhaliilay shaqa ka fariisigaasi kuna tilmaamay arin fura u noqonaysa in la aamusiyo Warbaahinta Dalka iyo guud ahaan soomaaliya
Arinta shaqa ka tagista wariyayaashii shalay hadlay ayaa in badan oo ka mida madaxda dalka iyo waxgaradka soomaaliyeedba ay si weyn u dhaliileen taasi oo ay sido kale ka soo horjeesteen xubno fir-fircoon oo ka mida Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho oo iyaga haatan sii wata howshooda shaqo kuwaasi oo sheegay in ay u dhabar adeegayaan shaqada ay bulshada u hayaan.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.Â
Comments
comments