Calendar

Garabka Mucaaradka Odayaasha Hawiye oo kala jabay (War-bixin Xasaasi ah).

Hawiye copyBartamaha (Muqdisho):- Garabka Mucaaradka ee Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa kala jabay ka dib khilaaf cirka isku shareeray oo soo kala dhexgalay.

Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye Garabka Colaada ayaa kala jabay ka dib markii Khilaaf cirka isku shareeray uu soo kala dhexgalay Odayaasha la shaqeynayay Kooxda Alshabaab.

Odayasha dhaqanka Beelaha Hawiye oo soo maray Marxalado kala duwan ayaa waxaa markoodii ugu horaysay la aas aasay Sanadii 2007-Xiligaasi oo ay kala dhexgalayeen Ciidankii Ethiopianka ahaa iyo Kooxihii markaas loo yaqaanay Muqaawamada.

Muddo ka dib markii ay daciifeen Kooxihii Muqaawamada loogu yeerayay ee ka koobnaa shabaabka iyo Maxkamadaha gaar ahaan Isbahaysigii uu horkacayay Ninka haatan Madaxweynaha ah Ee Shariif sheekh Axmed waxaana xiligaasi ka jabay Odayaasha Garab la baxay Garabka Nabada Ee Odayaasha Hawiye kuwaasi oo uu hogaaminayay Cabdi Iimaan Cumar Gudoomiyihii rasmiga ahaa ee Odayaasha.

Gudoomiyaha xiligaasi xilka ayaa laga tuuray markii uu ka qeybgalay Shirkii loogu magac daray Dib u heshiisiinta kaasi oo ay wadatay Dowladii C/laahi Yuusuf, iyadoo markaasi ay Odayaasha doorteen Maxamed Xasan Xaad oo sii waday taageerada Kooxaha Muqaawamada loogu yeerayay illaa xiligaasi.

Rag uu ku jiray Afhayeenkii Odayaasha Axmed Diiriye Cali iyo Ninka lagu magacaabo Axmed Cali Gees oo ku magacaabnaa Madaxa Samafalka ayaa la xeray waxaana ku guulaystay in nolol looga soo daayo Ethiopianka Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde.

Odayaasha ayaa dabacsanaan la yimid markii ay la kulmeen Nuur Cadde iyo ninkii jagadaasi ka dagayay ee ahaa Cali Maxamed Geedi waxaana bilowday Khilaafaad hoose oo dhanka maamulka ahaa iyadoo Odayaasha Firfircoonaa sida Axmed Diiriye iyo Xaad ay aadeen shir meelo badan lagu soo maray oo ugu muhiimsanaa la kulankii Mucamar Al-Qaadaafi oo Odayaasha Casuumay.

Dabayaaqadii Sanadii 2008-ayay ahayd markii shirkaasi ay Odayaasha aadayeen waxaana markaasi isbahaysi abuuray Koox uu hogaaminayay Axmed Cali Gees islamarkaana ay ka hoos shaqeynayeen Garaad Fiidow iyo Siraaji Sheekh Cusmaan oo ah laba nin oo ka mida ragga xagjirka ah  ee taageerayay Kooxda shabaabka.

Kooxdaasi uu Hogaaminayay Axmed Cali Gees ayaa waxa ay bilaabeen dardar galinta Howlaha ay qabanayaan iyagoo bilaabay Mucaaradida Shirkii Jabuuti ka socanayay iyagoo si cad u diiday Dowladii Madaxweyne Shariif ee xiligaasi la soo dhisay.

Kooxda Mucaaradka Noqotay ee wadatay Magaca Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa la xaqiijiyay in ay muddo ka dib awood u heleen in ay qaataan Astaantii Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye taasi oo u sahashay in ay dhinac u go’aan Bilowgii Sanadii la soo dhaafay ee 2009.

Axmed Cali Gees,Garaad Fiidow iyo Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa waxa ay wada tashi ka dib ka soo dhex saareen Odayaasha ka hoos shaqeynayay nin Magacooda ku hadla islamarkaana ay da’da u doodrteen kaasi oo ahaa Suldaan Axmed Dhoore kaasi oo ayu saxaafada u marsiiyeen Bulshada in la doortay Nabadoonkaasi.

Saddexda nin ee furaha u ahaa go’itaanka Kooxda Cusub ee Dhaqanka Beelaha Hawiye qaadatay ayaa waxa ay adeegsadeen Maleeshiyaadka Shabaabka iyo kuwa Xizbul Islaam iyagoo ku kalifay garabkii kale ee Odayaasha Hawiye oo ay hogaaminayeen Maxamed Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye Cali in ay ka soo bixi waayaan guri ku dhaganaa Masjidka Abuu Hurayra iyagoo awoodi waayay in ay Salaada soo xaadiraan Cabsi dhanka ammaanka ah.

Muddo Sanad ku dhow ka dib waxaa Fursad ay ku baxsadaan helay Labada nin ee kala ahaa Xaad iyo Diiriye kuwasi oo ilaala iska hayay muddo dheer balse danta ay ku kaliftay in ay u soo baxsadaan Dhulka ay ka taliso Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya.

Haatan waxaa soo ifbaxay Khilaaf hor leh kaasi oo soo kala dhexgalay Garabkii taageerida Colaada socota iyo Dagaalada ay wadaan Maleeshiyaadka Mucaaradka kuwaasi oo ay Hogaaminayeen Suldaan Axmed Dhoore,Siraaji Sheekh Isxaaq iyo Axmed Cali Gees iyo Afhayeenkooda Garaad Fiidow.

Raggan Nabadoonada Hawiye qaatay Magacooda ayaa waxa ay si rasmi ah u taageeraan Alshabaab waxaana si toos ah Shabaab isku badalay Axmed Cali Gees oo Idaacadaha Muqdisho ku amra baahinta wararka ay doonayaan Odayaasha Beelaha Hawiye gaar ahaan garabka uu isaga ka dhexmuuqday.

Waxaa dhawaan shir dhacay xilka looga tuuray Suldaan Axmed Dhoore Cali oo noqday nin aan inta badan ka hadlin dhacdooyinka qaar balse uu horboode u noqday Ururkaasi Siraaji Sheekh Isxaaq oo ku magacaabnaa Xoghayaha guud Ee Odayaasha kaasi oo taageeri jiray dagaalada ay wadaan Alshabaab islamarkaana Cabmaarayn jiray Madaafiicda ay ku la’anayaan Shacabka.

Haatan waxaa ay ka dhex tafantahay isku dhacna uu u dhexeeyaa Garabkii Mucaaradka ee Odayaasha Beelaha Hawiye oo kala jabay islamarkaana qaar ka mida ay doonayaan in Ururka lagu soo celiyo dhexdhexaadnimada halka ragga uu wato Axmed Cali Gees ay hanjabaad taaganyihiin oo ay shabaabka taageerayaan.

Kala jabka Garabka Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye  ayaa waxa uu noqonayaa markii 4-aad taasi oo ka dhigmaysa “Odayaasha kala taageerida Siyaasadaha iyo Midnima La’aanta..”.

W/Diyaariyay:-Wariye C/risaaq Yuusuf Cabdalla “Kampala”.

——————–[email protected]

Madaxa Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.


Comments

comments

Category : Featured, Maqaallo / Articles, Warar Kale [ Other News ], Wararka Maanta.
« »

Comment: