Calendar

Ganacsatada Magaalada Kismaayo oo howlo Nadaafadeed ka bilaabay Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose

kismaaaaayo

Bartamaha(Kismayo):- Howlahani nadaafadeed oo ay wadaan Ganacsatada Magaalada Kismaayo ayaa maanta ka bilowday qeybo ka tirsan Xaafadaha kala duwan ee Magaalada kismaayo iyadoo mudooyinkii ugu danbeeyay laga dareemayay gudaha Magaalada Kismaayo Nadaafad darro ka jirta qeybo badan oo kamid ah Xaafadaha magaalada Kismaayo ayaa Ganacsatada Magaalada waxa ay isu xilqaameen sidii ay u soo celin lahayen bilicda Magaalada islamarkaasina ay u bilaabi lahaayeen howlo qashin aruurin ah.

Axmed Balooleey oo kamid ah Ganacsatada Magaalada Kismaayo ayaa ka codsaday Maamulka islaamiga ah ee gacanta ku haya Magaalada Kismaayo in ay ka qeybqaataan howlahani Nadaafadeed ee ay ka wadaan gudaha Magaalada kismaayo  isagoona ka codsaday Dadweeynaha reer kismaayo in ay ku dadaaalaan Nadaafada guud ee deegaanka, wuxuuna sidoo kale sheegay in nadaafad darada ka dhalan karaan cudurro kala duwan oo ay kamidyihiin shuban biyoodka, Duumada iyo cudurro kale oo badan.

Hase yeeshee howlahani ayaa yimid kadib markii xaafado badan oo ka tirsan xaafadaha  Magaalada Kismaayo ay ka dhex sameysmeen qashin  isku basdaley buuro dhaa dheer kadib markii ay mudo oyinkii ugyu dembeeyey  Roobab mihiigaan ah ay ka da’Ayeen gudaha magaalada kismaayo ku waasi oo biyo wasaqeysan fariisiyey qeybo kamid ah gudaha magaalada kismaayo

Sikastana Ha Ahaatee howlahani nadaafadeed ayaa imanaya xilli dhawaan waaxda faya dhowrka maamulka islaamiga ee magaalada kismaayo ay ku dhawaaqeen in ay bilabidoonaan howlo nadaafadeed si ay u xaqiijiyaan guud Ahaaba xaalada caafimaad ee G/J/Hoose

Kala Soco Warar Xaqiiq ah www.Bartamaha.com

 Ismaaciil Cali 

Kismayo-Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: