Ganacsatada Hilibka Magaalada Boosaaso oo ku dhaqaaqay Banaanbaxyo iyo Shaqa joojin.

Posted on Jul 22 2009 - 4:57pm by News Desk
Tweet
Pin It

basasoo bananbax

Bartamaha(Muqdisho):-Ganacsatada Hilibka Xoolaha Ee Magaalada Boosaaso ayaa maanta si rasmi ah ugu dhaqaaqay Shaqa joojin iyo Banaanxayo rabshada watay.

Mudaaharaadyada ay maanta ku dhaqaaqeen ganacsatada Xoolaha ayaa ka danbeeyay ka gadaal markii laga xanibay Kawaanka Hilibka Ee Boosaaso oo loo gacangaliyay Hay’ado shisheeye.

Wadooyinka Magaalada Boosaaso ayaa maanta waxaa iskugu soo baxay dhammaan ganacsatadii ku shaqeysan jirtay Kawaanka Hilibka Boosaaso kuwaasi oo ka cabanayay ka dib markii alaabahooda dibada loga soo saaray kawaanka oo dayactirna lagu bilaabay.

Wararka aynu ka heleyno Magaalada Boosaaso ayaa tilmaamaya in Ganacsatada ay cabasho ka yihiin Maamulka Magaalada Boosaaso oo hay’adda FIO ku wareejiyay Kawaanka Boosaaso halkaasi oo haatan dayactir ay ku bilowday ka dibna lagu wado in laga kireynayo Shirkado Shisheeye.

“Dooni mayno qandaraas qaate,Dooni maynin maate xanibe,Doono mayno shisheeye shacab loo dhibaateeyo “ Erayadaasi iyo kuwa kale ayay ku dhawaaqayeen Banaanbaxayaasha oo cara ay ka muuqatay.

Ciidamada Ammaanka Magaalada Boosaaso ayaa bilaabay in ay kala eryaan Banaanbaxayaasha oo bilaabay in ay dhagxa ku tuuraan Kawaankii ay ku shaqeyn jireen oo haatan dayactir aan horey loogu sheegin lagu bilaabay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.