read more »">
Calendar

Farmaajo oo la fajacsan burburka ka dhasha dagaalada (Sawiro)

far fajac]Bartamaha (Muqdisho):- Ra’iisul Wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo oo ah nin aan weli la qabsan una baran Madaafiicda iyo dagaalada xilli walba ka socanayay Muqdisho ayaa booqday aagaga hore.

Masuulkan qurba joogta ka tirsanaa balse hada ah Ra’iisul Wasaaraha Dowlada KMG ah ayaa waxa uu gaaray goobo ku dhow aagaga hore ee dagaalada sida xoogan uga dhacayeen dhawaanahan.

Dhulka uu tagay Farmaajo ayaa waxaa ka mida ah agagaarka Dugsigii sare Ee Bartamaha Ee Degmada Shangaani iyo xaafadaha ka danbeeya Dugsigii Sheekh Yuusuf Al Kownayn Ee Degmada Boondheere oo aagaga dagaalka ka mid ah.

Dhulkaasi ayaa waxaa ku sugan Ciidanka Dowlada iyo kuwa Amisom iyadoo uu gaaray Farmaajo xilli  ay galbinayeen Taangiyada Amisom iyo gawaarida dagaalka Ee Dowlada.

Farmaajo oo aan hore u dhaafin Villa Somalia ayaa waxa uu tagay goobo aad moodo iyo sanado badan aanu Bini’aadan ku noolaan waxaana uu si gaar ah ula yaabanaa muuqaalka dhismayaal caan ah oo dagaaladii sukeeyo ku burburay balse hada dhulka lala sii simay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dusha sare ka eegayay dhismayaasha qaar oo uu la fajacay qaabka loo burburiyay waxaana markii aaga dagaalka uu ka soo laabtay soo maray Baarlamankii hore oo dhulka lala simay,Hotelkii Shabeele oo qeybta wiishka oo kaliya ay ka taagan tahay iyo goobo kale.

Daawo Sawirada iyo Dareenka Farmaajo:-

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].


Comments

comments

Category : Featured, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: