EU & ITALY oo markii ugu horeysay aqoonsi buuxa siiyey Safiir ay Somalia yeelato

Posted on Jul 29 2009 - 2:27pm by News Desk
Tweet
Pin It

NurcadeWar Saxaafadeed (Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xafiiska Madaxweynaha Waaxda Warfaafinta, 29 July 2009)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya Sheikh Sharif Sheikh Ahmed ayaa bishii May u magacaabay Nur Hassan Hussein (Nur Adde) inuu Safiir ka noqdo Dowladda Talyaaniga, isla markaana uu noqdo Safiirka Midowga Yurub. Talyaaniga iyo Midowga Yurub waxey ka soo jawaabeen magacaabistaas Safiirnimo.

Nur Hassan Hussein (Nur Adde) ayaa maalintii Isniintii 27kii July 2009 si heer Safiirnimo ah loogu soo dhoweeyey magaalada Rome. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga ayaa maalintii Talaadadii 28kii July 2009 u oggolaatay Nur Adde inuu howshiisii Safiirnimo uu bilaabi karo. Waa markii ugu horreysay ee Dowladda Talyaaniga ay aqoonsi buuxda siiso Safiir Soomaaliyeed oo fadhigiisa noqdo magaalada Rome muddo 19 sano ka dib.

Midowga Yurub (EU) ayaa warqad ay uga jawaabayeen magacaabistii Nur Adde ku caddeeyey inay aqbaleen Nur Adde in uu noqdo Safiirka Somalia u fadhiya Midowga Yurub. Waa markii ugu horreysey ee Midowga Yurub ay aqoonsi buuxda siiyaan Safiir Soomaaliyeed muddo 19 sano ka dib.

Magacaabista Nur Adde ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii dib-u-heshiisiinta ee Djibouti. Aqoonsiga dowladda Talyaaniga iyo Midowga Yurub ayaa ah astaan xoogan oo muujineysa xiriirka wanaagsan ee ay dowladda FKMG ah la leedahay Dowladda Talyaaniga iyo Midowga Yurub.

Madaxweyne Sheikh Sharif Sheikh Ahmed ayaa sheegay inuu kalsooni ku qabo in Nur Adde uu u adeegi doono waddankiisa iyo ummadiisa, xilkana u gudan doono si wadaninimo iyo xilkasnimo ku dheehan.

Xigasho: Xafiiska Madaxweynaha Waaxda Warfaafinta