Dr. C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya oo ka digay in dalka soomaaliya markale cadow loo gacangaliyo.
Bartamaha(Muqdisho):-Madaxweynihii hore ee dowladii lagu soo dhisay Carte ee dalka Jabuuti Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa si kulu u canbaareeyay dagaalada ka sii socda dalka soomaaliya iyo barakaca dadka ee sii badanaya.Â
Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay kooxaha soomaalida ah ee willi u caaboon in ay shacabka dhameeyaan inta ka harta iyo in ay barakaciyaan dadka maatida ah taasi oo uu ku tilmaamay mid ku tala gal ah loona baahanyahaya in labada dhinacba ay is qabtaan isla mar’ahaantaana ay shacabka u naxaan.
Madaxweynihii hore ee Dowladii Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad ayaa walaac ka muujiyay dagaalada kuwaasi oo uu tilmaamay in markale ay soomaaliya u gacangali doonto dowlado cadaawad xoogani u qaba bulshada kuwaasi oo uu sheegay in ay raadinayaan fursado ay gudaha dalka u galaan.
Masuulkaasi ayaa ku cel-celiyay in loo baahanyahay in la badbaadayo dadka soomaaliyeed oo muddo 20-sanadood ah rasaasta ay ka duldhaceysay oo kumannaan ay ku dhinteen gacanta dad soomaali ah.
Hadalka ka soo yeeray Dr.C/qaasim Salaad Xasan ayaa imaanata xilli dhammaan gobolada dalka soomaaliya mar waliba la filan karo in ay ku dagaalamaan kooxaha Mucaaradka Iyo Dowlada Fd soomaaliya kuwaasi oo haatan isku bira tumanaya.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.Â
Comments
comments