Dowladda Soomaaliya oo laashay casumaad ay ka heshay shir looga hadlayo arimaha qaxootiga oo ka dhacaya Nairobi
Dib u dhac ayaa ku yimi shir maanta ka furmi lahaa Magaalada Nairobi kaasi lagu waday inuu dhaxmaro Dowladaha Somaaliya iyo Kenya iyo QM
Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Somaaliya ay ku gaanseertay inay ka qeybgasho kulankaasi maadaama Ciidamaad Kenya ay wadaan howlgalo Somaalida lagu beegsanayo islamarkaana xukuumada Nairobi ay wado soo celinta dadka Somaalida
Wasaarada arimaha Dibadda Somaaliya ayaa warqad cabsho ah u gudbisay Wasaarada arimaha Dibadda Kenya taasi oo aheyd in hada aanay diyaar u aheyn kan qeybgalka kulnakaasi
Dowladda Somaaliya ayaa shegeysa in Kenya ay karaamadii ka qaaday Muwaaduiniinta Somaalida oo ay ku xirtay meelo aan habooneyn sidookalana dad heystay sharciyada dalka dib loosoo celiyay
Waxaa maanta lagu balansanaa in Nairobi uu ka dhaco shir sadex geesood ah oo yeelan lahaayen Dowladaha Kenya,Somaaliya ,iyo Hay’ada UNHCR waxaana soo baxday Dowladda Somaaliya ay ku gacanseyrtay inay xadairto Shirkaasi.
Comments
comments