Bartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha dowlada Ugandha Yueri Moseveni ayaa si weyn u soo dhaweeyay hubka dowlada Maraykanka ay ugu deeqday Dowlada Fd Soomaaliya taasi oo uu sheegay in ay wax ka tarayso la dagaalanka Islaamiyiinta Soomaalida ah.Â
Moseveni Madaxweynaha Ugandha ayaa sheegay in hubka dowlada wadanka Maraykanka ay ugu deeqday xukumada Fd Soomaaliya uu wax wanaagsan ka galayo la dagaalanka kooxa Nabada Soomaaliya ka soo horjeeda sida uu sheegay madaxweynahaasi.
Ugandha ayuu sheegay in ay si wanaagsan uga qeybgalayaan suguda nabad galyada dalka soomaaliya iyo adkeynta ammaanka madaxda dowlada taasi oo uu tilmaamay in ay ku waayeen askar Ciidamada Ugandha ka mida.
Yueri Moseveni ayaa sheegay in dowladiisa ay qorsheynayso sidii ay u sii wadi lahayd howlaha ay dalka soomaaliya ciidamadooda u joogaan si ay uga galaan qeyb muhiim ah nabad ku soo dabaalida dalka Somaaliya.
Madaxweynaha Ugandha ayaa hadalkiisa ku soo afjaray in Ciidamadiisa ay u diyaarsanyihiin ka hortagga qaswadayaasha isla mar’ahaantana ay iska difaacayaan cid alla cidii soo weerataa askartooda.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.