Dowlada Ugandha oo shaaca ka qaaday in ay u dulqaadanayso dhibaatada Ciidamadeeda ka so gaarayso Soomaaliya.

Posted on Jul 25 2009 - 4:53am by News Desk
Tweet
Pin It

ugandha preBartamaha(Kampala):-Madaxweynaha Dowlada Ugandha Yoweri Kaguta Museveni oo saxaafada kula hadlayay Kampala ayaa shaaca ka qaaday in ay Ciidamadooda u dulwaadanayaan dhibaatooyinka ka soo gaaraya Dalkaasi.

Museveni ayaa sheegay in Ciidamadiisa ka soo jooga dalka soomaaliya ay yihiin geesiyaal nabad ilaaliyaal ah isagoo sheegay in ay xiligan bilaabayaan qorshayaal ay nabadda dalka soomaaliya ku soo celinayaan.

Madaxweynaha Ugandha ayaa intaasi raaciyay in dhawaan ay Ciidamo hor leh u dirayso dowlada Ugandha dalka soomaaliya si ay u filiyaan amarka ka soo baxay Midowga Afrika Ee la xiriira sugudda nabad galyada dalka soomaaliya.

Yoweri Museveni ayaa ku faanay in  ciidamada Ugandha ay xiligan sameeyaan sugidda Ammaanka madxda Dowlada Soomaaliya islamarkaana ay u dulqaateen dhibaatooyinka ka taagan dalka soomaaliya maadaama ay noqdeen Ciidamadii ugu horeeyay Ee Nabad ilaaliyaal ah oo Soomaaliya gaaray.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha Dowlada Ugandha ayaa imaanaya xilli dhawaan Midowga Afrika uu u jeediyay dowladaha ay Ciidamada ka joogaan dalka soomaaliya in ay ka mqeybgalaan dagaalada looga soo hor’jeedo Islaamiyiinta Mucaardaka.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Â