Bartamaha(Muqdisho):-Taliyaha Ciidamada Badda wadanka Sucuudiga Admiral Amiir Fahad Bin Cabdalla ayaa cod dheer ku sheegay in loo baahanyahay iskaashi ay sameystaan wadamada Kahliijka si ay uga qeyb-galan la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaaliya.
Sargaalkaasi u hadlayay Ciidamada Badda wadanka Sucuudiga ayaa sheegay in ay muhiimtahay la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaliya oo uu tilmaamay in ay ku kacayaan falal wax u dhimaya ganacsiga wadamada Khaliijka Carabta.Â
Admiral Amiir Fahad ayaa xilli uu ka qeybgalay kulan ay yeesheen taliyayaasha Ciidamada Badda wadamada Gacanka Carabta iyo midka Cadmeed waxa uu saxaafada u sheegay in Sucuudiga ay qorsheyn doonaan sidii ay u dhisi lahaayeen Ciidamo badda wadamada Khaliijka kuwaasi oo la dfagaalama Burcad badeeda.Â
Hadalka ka soo baxay Dowlada Sucuudiga ayaa imaanaya xilli ay isa soo tarayayaan wadamada doonaya in ay ka qeyb-galaan la dagaalanka burcad badeeda soomaaliya kuwaasi oo aan wax la taaban kara ka qaban Kooxaha Afduubayaasha Soomaalida ah.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.