Dowlada Soomaaliya oo guula ka sheegatay dagaalkii saaka ka dhacay isgosyka Ex-Control Afgooye.
Bartamaha (Muqdisho):-Dowlada Fd Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay guula la taaban karo ka gaartay dagaalkii saaka ka dhacay Wadada Ex-Control Afgooye .
Sheekh Yuusuf Maxmed Siyaad(Indha Cadde) Wasiir dowlada Wasaarada Gaashaandhiga Ee Dowlada Fd Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalada ka dhacay Isgoyska Ex-Control Afgooye ay guula ka gaartay dowlada soomalaiya.
Wasiir dowlaha ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Wadadaasi ay ahayd masuuliyad weerar ka yimid Xoogaga Mucaaradka isagoo sheegay in maydadka kooxaha weerarka soo qaaday ay yaalaan illaa xiligan wadada dagaalka uu ka dhacay.
Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa sheegay in uu isaga maanta tagay meel ka baxsan Muqdisho taasi oo ahay Deegaanka KM.13 halkaasi oo ay fariisin adag ku leeyihiin Ciidamada Xarakada Alshabaab.
Masuulkaasi ayaa waxa uu uga digay kooxaha weerarada la caadaystay fariisinada Ciidamada dowlada in ay ka waantoobaan isagoo sheegay in dadka lala dagaalamaya ay yihiin Muslimiin .
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartmaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments