Dowlada oo 3-Nin ku fulisay dil Toogasho ah
Xukunka waxaa riday gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Xasan Maxamed Siyaad Xasan Mungaaboo fagaaraha dilka ka dhacayay xukunka iyo qaabka loo cuskaday meesha ka sheegay.
Saddexda nin ayaa waxaa xukunkooda loo cuskaday:-
1.C/casiis Maxamuud Gacal oo ahaa Dable ka tirsan Ciidamada booliska kaas oo 2/06/2010-ka si bareer ah u dilay Muwaadin lagu magacaabi jiray Salaad Maxamuud Cabdi , waxaana ay Maxkamaddu xukun dil ah ku xukuntay 14/12/10-ka.
2.Cantoob Carabow Cadaan oo 5/06/2009-kii si gardarro ah u dilay Xasan Maxamuud jibriil,iyadoo Maxakamaddu ay xukuntay 18/12/2009-kii.
3.Mowliid Maxamed Xasan oo aha Dable ka tirsan ciidamada booliska waxa uu 11/05/10 si barer ah u toogtay Muwaadin lagu magacaabI Jiray Aaden Saalax jaamac waxa ayna Maxkamaddu xukuntay 14/12/10-kii.
Xukunka ayaa waxa uu manta ka dhacay fagaare ku yaala Dugsiga tababarka Ciidanka ee gudaha Muqdisho waxaana saddexda nin toos u toogtay Ciidan Booliis ah oo loo xilsaaray dilkaasi.
Ma aha xukunkii ugu horeeyay oo dowlada fuliso wallow dhawaanahan ay Maxkamada Ciidanka bilowday fulinta dilal nuucan ah oo joogta noqonayay dhawaanahan.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika
Comments
comments